Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Duqeeyn diyaaradeed lagu dilay hogaamiyihii kooxda Al-Shabaab ee Somalia.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Komaandooska Dowlada Somalia iyo kuwa Mareykanka Ay Fuliyeen Howlgalkaasi oo ka dhacay deegaanka Saagoow ee Gobolka jubbada Dhexe.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in duqeeyntaasi lagu dilay hogaamiyihii kooxda Al-shabaab Axmed Diiriye oo loo yaqaano Abuu Cubeyda, walow aan si dhaba loo xaqiijin karin.
Ilo wareed ayaa waxa ay sheegayaan in duqeeyntaasi la la bartilmaameedsaday gaari uu la socday hogaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda.
Dowlada Federaalka Somalia iyo Dowlada Mareykanka ilaa iyo iminka kama aanay hadlin Warkaasi sheegaya in la dilay hogaamiyihii Al-Shabaab.
Dhanka kale Al-Shabaab wax war ah kama soo saarin jiritaanka wararkaasi Sheegaya in la dilay hogaamiyahoodii .
Sanadkii 2014-kii Duqeyn Diyaaradeed ayaa lagu dilay Hogaamiyihii kooxda Al-Shabaab Cabdi Oow-Cabdi Godane oo Al-Shabaab Dhexdooda looga yaqaanay Abuu Abuu Zubeyr.
PUNTLAND POST
The post War aan la xaqiijin oo sheegaya in hogaamiyihii Al-shabaab duqayn lagu diley appeared first on Puntland Post.