Wasaaradda deegaanka dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’ada caalamiga ah ee Care ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabtay kulan looga hadlayo arrimaha deegaanka, gaar ahaan dhammaystirka xeerka deegaanka.
Kulankaani ayaa waxaa looga arrinsanayaa wacyigelinta iyo sidii odayaasha dhaqanku ay kaalin uga qaadan lahaayeen xeerka deegaanka oo ay wasaaraddu wadatashiyo kala wadey qaybaha bulshada sida, haweenka iyo dhalinyarada, culimaa’udiinka iyo odayaasha oo maanta la kulmiyey.
Waxaa furitaanka kulanka ka qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka, duur jooogta iyo dalxiiska dowladda Puntland, agaasima waaxeedyo, saraakiil kasocdey Hay’ada Care International iyo dhamaan qeybihii lagu casuumey.
Agaasimaha waaxda xiriirka dadweynaha iyo wacyigelinta ee wasaaradda deegaanka Cabdiqani Xayir oo ugu horayn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay odayaasha dhaqanka wadatashi ugala yeelan lahaayeen xeerka deegaanka Puntland.
Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka dowladda Puntland Marwo Muna Daahir Dalmar oo si rasmi ah u daahfurtay kulankan waxayna tilmaamtay in odyaaasha kulanka ka qaybgelaya ay ka kala yimaadeen dhammaan gobolada Puntland ayna kaalintooda ka qaadan doonaan ka talobixinta xeerka deegaanka Puntland.
Muno Daahir, waxay shaacisay in dhowaan ay wasaaraddu kulmin doonto dhammaan fekeradii laga soo ururiyey qaybaha bulshada ee ay wasaaraddu talagelinta ka siisay xeerka deegaanka ee dowladda Puntland.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Odayaasha dhaqanka iyo Culimada Puntland oo ka arrinsanaya siyaasadda deegaanka appeared first on Puntland Post.