Xasan SHiikh Max’ud, wuxuu ahaa madax-weynaha keliya ee shirkii Mbagathi ka dib ina soo maray ee dowlad iyo shacab labaduba soo dhoweeyeen dadka Soomaaliyeed, oo aan dagaal weyn la kulmin mid uu isagu abuuray mooyee, laakiin indhihiisu ma qaban waxa hareerihiisa ka socday, wuxuuna u ekaa marka la eego siduu u dhaqmay iyo meesha uu hawsha ka bilaabay nin wali dagaal ku jira, wuxuuna iska dhaadhiciyay ama ciidammada dalka jooga u qaatay inay isaga u adeegayaan, wuxuuna isku furay colaad siyaasadeed iyo mid dagaal, wuxuuna si dhaqso ah u bilaabay isagoo aan wax ciidan ah haysan inuu codsado in laga qaado cuna-qabatyntii hubka ee dalka saarnayd!…..waa madax-weynihii cusbaa ee la soo doortay….. waxaa yaab leh in madax-weynuhu u qaatay cuna-qabataynta hubka in Qabqablayaashii keliya ay ku gaar ahayd oo uusan garanba ujeeddada cuna-qabatyntaas!…
Waxaa dhibaato ka dhacday xil-dhibaannada aan dadku soo dooran ee hadana dadkii iyo dalkii madaxda u soo dooranaya keligood!….Doorashadii 2004tii ayaan nin aan xil-dhibaannadii wax dooranayay ka mid ahaa oo ka mid ahaa raggii aan is baranay weydiiyay waxyaabaha ugu muhiimsan ee sharuud ahaan uu ku dooranayo qofka uu madax-weyne inuu noqdo ugu codeyniyo…….Yaab!…waliba wuxuu ahaa raggii xil-dhibaannadaas ka midka ahaa ee aan ku tirinayay xagga fahamka dowladnimada inuu ahaa nin wax badan ka garanayo….markaasuu tiriyay;….inuu yahay nin waziir soo noqday, inuu NGO ka soo shaqeeyay, inuu aajnabi la soo shaqeeyay, inuu wax-bartay waliba dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, haddii la healaayo meelahaas nin wax ku soo bartay…….
Madax-weyne kasta oo burburkii ka dib ina soo maray waxay dadku rumaysanyihiin in dalalka shisheeyaha ah ay inoo keeneen, sidaas aawadeedna uu iyaga u joogo xafiiska!…..waa tuhun loo garaabi karo, laakiin ma aha xaqiiqda jirta, waxaase taas ka muhiimsan in dalkii oo dhan la haysto, madax-weyne dalkiisii dhamaa gacanta lagu hayana haddii la keenay iyo haddaan la keenin waa isku mid oo madax-weynaba ma aha!….waxaase run ah oo dalalka shisheeyaha ah ee Soomaaliya arrimaheeda faraha kula jira u dhaqan ah in nin kasta oo xilkaas yimaada ama ku magacaaban ay awood u leeyihiin inay adeegsadaan, talo kasta oo uu go’aan ka gaarayana ay la gooyaan, walina lama hayo ama ha ahaado heer federal, ama maamul gobleeddada oo ay ku jirto Somaliland nin arrin ku diiday dalalka shisheeyaha ah wakiiladooda dalka jooga…..SHacabka may ka mudaaharaadaan?!……..SHaki iigama jiro in shacabku mudaaharaadayo haddii ay madaxdooda cabasho uga timaado… Haddii dowladna laynagu magacaabay hadana aynaan dareemayn inaan nahay….aaway dad-weynihii?! Sow dalku iyagu ma laha?!
Beri la soco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LXIX) 69 aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.