Garowe (Puntland post):- Waxaa maanta hoolka Wasaaradda Deeganka,Duur-joogta iyo Dalxiiska Puntland ka furmay shir ku saabsan tababarka tababarayaasha Khayraadka Dabiiciga ah, Waxaana kazoo qeyb galay kulanka wakiilada heer gobo lee Wasaaradda ,Kuwa degmooyinka Gaalkacyo,Qardho iyo Eyl.
Barnaamijkan oo qeyb ka ah mashruuca maamul baahinta kheyraadka ayaa socon doono saddexda maalmood ee soo socota, waxaana intiisa badan looga hadlayaa sidii tababar loo siin lahaa tababarayaasha kheyraadka dabiiciga ah.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka,Duur-joogta iyo Dalxiiska Puntland Muno Cumer Daahir ayaa sheegay inay Muhiim tahay Dhow-rista Khayraadka Dabiiciga ah,wasaaradda deegaankuna ay xooga saarayso sidii ay wax badan uga qaban-lahayd Maamul baahinta Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa tababarayaasha Khayraadka Dabiiciga ah ee Degmooyinka Gaalkacyo,Qardho iyo EYL kula dardaaran tahay inay qayb-lixaad leh ka qaatan ka Faa,iidaysashada iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland.
Ugu Danbaytii waxaa la filayaa inuu tababarka u furmay tababarayaasha uu wax badan kusoo kordhin doono sidii looga faa,iideysan lahaa kheyraadka dabiiciga ah.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasaarada Deegaanka Puntland oo tababar u furtay Tababarayaasha Kheyraadka Dabiiciga appeared first on Puntland Post.