Garowe (Puntland Post):- Waxaa manta Hotel New Rays ee Magalaad Garowe lagu qabtay daahfurka Barmaamijka Kobcinta Gancsiga yar yar iyo kuwa dhexe ee magaciisa loo yaqaano small and médium Enterprise facility “SMEF”. Barmaamijkan waxaa maal galiyey Baniga Addunka, waxana fulinaysa shirkada caalamiga ah ee BDO LLP.
Furitaankii Barmaamijkan waxaa ka soo qayb galay Madax ka socotay dowlada Puntaland, ganacsato tiro badan, qaar ka mid ah Jamacadaha dalka, Ururada haweenka iyo dadka leh xafiiskyada bixiya adeega aqoon dhisida iyo kor u qaadida farsamada ganacsatada.
Waxaa ugu horayn faahfaahin ka bixiyey Madaxa xafiiska Puntland ee barmaamijka SMEF, Eng. Guled Ahmed oo sheegay in Barmaamijkan SMEF uu dhanka aqoonta iyo farsamada ka tageeri doona ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe ee gaarka loo leeyahay. Waxa uu Guled Ahmed intaasi ku daray in barmaamijka waxa uu dhisi doonaa xirfada shaqasiyaad tiro badan oo la bari doono xirfadaha lagu shaqo tago ee ganacsata, dowlada, ha’yadaha iyo dhamaan goobaha dadka shaqaalaysiiyaa ay u baahan yihiin.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Mr. Abdiwali Xirsi Abdulle oo furey shirkan ayaa soo dhaweeyey barmaamijyada tageeraya ganacsata, Wuxuuna yiri Wasiirku“ Inta badan waxaa dhacda in dadku ay dhanka lacagta xooga saaran laakiin waxaa lacagta kasii muhiimsan xirfada iyo aqoonta, waayo in badan waxaa dhacda in adiga lacagtii haysta in aqoon la’aan darteed ama xirfad la’aan uu socon waayo ganacsigaagu”.
Wasiir Abdiwali oo hadalkiisa sii wata ayaa dhiiri galiyey in ganacsatadu ay xooga saarto wax soo saarka wadanka gudihiisa, Wuxuuna ku booriyey in gacasatadu sameyso waxa uu ugu yeedhay “ Value chain supply system” oo midba wax ka qabo silsilad soo saari karta halshay.
Wuxuu tusaale usoo qaatay Wasiirku, in shirkada Toyata ay gawaadhida samayso laakiin ay shirkado badan oo kale ka qaadato qaybaha kala duwan ee gaadhigu ka kooban yahay oo aanay iyadu wada samayn wax kasta , Wuxuuna yiri “ Hadii aan timir soo saarno, waxaan u baahanay in mid beero, mid kartoonka lagu gurayo sameeyo, mid iib geeyo iyo wixii la mid ah lakiin qof kaliyi aan isku dayin in uu min bilow ilaa dhamaad aanu wada qaban howsha”
Wasiir Abdiwali Xirsi ayaa shirkadaha barmaamijkan fulinaya kula dardaarmay in ay adeegsadaan dadka wadanka u dhashay ee khibrada iyo aqoonta u leh adeega ay siinayaan ganacsatada.
Ugu danbayntii wasiirku waxa shaagay in uu wada shaqayn dhow la yeelan doono mashuurca SMEF ee shirka caalamiga ah ee BDO LLP ay wado.
Waxaa isna halkaas ka hadlay Mr Abdiaziz Hersi Warsame, oo ka mid ah madax barmaamijka SMEF. Isagoona si qoto dheer uga waramay ujeeda barmaamjika, cida ka fa’iidaysan doonta, mudada uu soconayo, meelaha laga qaban doono iyo sidoo kale cidaha ay kawada shaqayn donaan.
Wasiirka Wassarada Qorshaynta Qoranka iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland, Mr. Shire Farah ayaa sheegay in Dowlada Puntland ay dhiiri galinayso barmaamijyada noocan oo kale ah isla markaan ay la garab taagan yihiin wixii ugu baahdo. Waxa kale oo intaas Wasiirku ku daray in ka dowlad ahaan ay hubin donaa isla markaan ay si joogta ah ula socon donaan in Barmaamijku uu fulo sidii loogu talo galay iyo wax tarkiisa ay dadka wadanka Puntland oo dhan uu sidii la rabay ugu faa’iidaystaan.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadalay Wasiir ku xigeenka Wasaarada xanaanada Xoolaha, Mr. Abdiwali Seed Cilmi. Wasiir-ku-Xigeenku waxa uu sheegay in dad badani ay ka ganacsadaan xoolaha, wasaaradiisuna ay u taagan tahay sidii ay xoolaha u horumarin lahayd si dadka ganacsigaas wadaa ay ugu guulaystaan ganacsigooda.
Wuxuu iftiimiyay Wasiirku sida Ganacsiga Soomalidu ay laf dhabar ugu yihiin xooluhu isagoona sheegay inay magacowday Wasaaradiisu Agaasime qaabilsan sidii xoolaha hab casri ah loogu dhaqan lahaa isla markaana looga ganacsan lahaa.
Wasiirka ayaa ugu danbeyntii soo dhaweeyey barmaamijka SMEF , Wuxuuna sheegay in ka wasaarad ahaan la shaqayn donaan, dadka ganacsiga xoolaha ku jira iyo kuwa tababarada siiyana ay barmaamijkan ku soo xidhi donaan.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Wasiirka-Ku-xigeenka Shaqada, dhalinyarada iyo ciyaaraha, Mr. Abdirisak Shir Ismacil. Wasiirka waxaa aad u bogaadiyey in Barmaamijka SMEF uu xirfadaha lagu shaqo tago bari doono dadka badan oo aan hada wax shaqo ah haynin isla markaan aan lahayn xirfadii ay ku shaqo tagi lahayeen. Wasiirku waxa uu sheegay in barmaamijkan oo kale wadanka looga baahan yahay isla markaa uu gacan buuxda siin doono sidii uu guulaysan lahaa.
Waxa iyagu halkaas hadlay Mr. Said Ali Shire oo ah Madaxa Amal Bank iyo Khalid Hassan oo ah Madaxa Ha’yada Soark, labadan masuul waxay si qoto dheer ugu dheradeen qabadaha iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan ganacsiga yar yar iyo kuwa dhexe, gaar ahaan kuwa ka soo wajaha dhanka aqoonta iyo farsamada.
Waxay sheegeen in aqoontu ay aad uga muhiimsan tahay lacagta helitaankeeda, Mr, Said Ali waxa uu sheegey in dhamaan dowladaha adduunku ay isku raacsan yihiin in horumarka ugu weyn lagu gaadhi karo Horumarinta iyo Tageerida ganacsiga.
Khalid Hassan Waxa uu intaas ku daray y in Ganacsiga yar yar iyo kuwa dhexe ay sameyaan shaqo abuurka ugu badan iyo dowladu ay ka hesho cashuur. Waxa kale
Barmaamijkan SMEF ayaa waxa la hirgalin donaa dhamaan gobolada Puntland , waxaana ka faa’iidaysan doona.
- Dadka leh ganacsiyada yar iyo kuwa dhexa
- Dadka maalgashadayaasha ah ,
- Shirkadaha iyo shaqsiyaadka bixiya adeegyada kor u qaada xirfadaha iyo aqoonta ganacsatada ama siiya tababarada
- Waxa kale oo iyana ka faa’iidaysan doona xarumaha tababarka iyo kor u qaadida farsamooyinka.
SMEF wuxuu qayb ka yahay barmaamijka guud ee Bangiga Adduunku maaligaliyey ee la yidhaahdo “ Somali Core Economic Institutions and Opportunities (SCORE) Program”.
Daawo Sawiradda.
PUNTLAND POST
The post Barmaamij Kobcinta Ganacsiga yar-yar iyo Kuwa dhexe oo lagu daahfuray Puntland appeared first on Puntland Post.