Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Tababar Garowe uga furmay shaqaalaha xarumaha caafimaad ee Puntland

$
0
0

Wasiirka  Cafimaadka Dowlada Puntland Dr.Cabdinasir Cisman Cuuke ayaa maanta tababar u furay shaqaalaha xarumaha caafimaadka Gaar ahaan kuwa ka shaqeeya  Duumada.

Furitaanka Shirka waxaa kasoo qeyb galay Madaxda Wasaaradda Caafimaadka,Madaxa malariayada ee Unicef Dr.Aliu,Shaqaalaha xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka iyo masuuliyiin kale.

Tababarkan ayaa socon doona mudo 7 Barri ah  waxaana diirada lagu saarayaa maamulida iyo daaweynta cudurka duumada.waxaa kale oo la iskula soo qaaday sidii bulshada loo bari lahaa daawo cusub oo la siinayo bukaanka la il daran cudurka Malaria

Dr Cabdinaasir Wasiirka Cafimaadka Puntland waxa uu sheegay in shaqaalaha ku howlan duumada looga baahan yahay inay bulshada ka wacyi galiyaan sidii ay uga badbaadi lahaayeen khatarta duumada

Dr.Aliu Madaxda malariyada Unicef ee Soomaaliya ayaa ka mahad-celiyay sida Wasaarada Cafimaadku markasta ugu howlan tahay arimaha Malaria isagoona ku  booriyay shaqaalaha ka shaqeeya duumada inaan qof aan la baarin Daawo la siin karin , Sidoo kale wuxuu diirada saaray fa iidad daawada cusub ee dhawaan la filayo Puntland inay soo gaarto

Cudurka Duumada ayaa sanadihii 2012-2013-2014 ku laayay magaalada Boosaaso dad  ka badan 30 qof.

1 3 5 6 7Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Tababar Garowe uga furmay shaqaalaha xarumaha caafimaad ee Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>