Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland ayaa maanta soo gabagabaysay tababar 4 cisho u socday Agaasimayaasha waaxyaha howlaha guud ,Injineerada degmooyinka Garowe,Bosaso, Eyl, Banderbayla, Qardho, Jariiban, Gaalkacyo ,Injineero ka tirsan wasaaradda howlaha guud iyo Shirkadaha qandaraaslayda ee dhismaha.
Kulankan ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay siyaasad lagu hagayo xeer-nidaam,yada magaalooyinka Puntland Taas oo ay horey u ansixiyeen Gollaha Wasiirada Dowlada Puntland, Waxaana kazoo qeyb galay xiritaankiisii maanta Saraakiil ka socota Hay,adda UN-Habitat, iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda howlaha guud iyo gadiidka Puntland.
Tababarkan oo ay iska kaashanayeen Wasaaradda hawlaha guud iyo Hay,adda UN-HABITAT ayaa si qoto dheer looga hadlay intii uu socday tababarku Qorshaynta magaalooyinka iyo u samaynta town plano oo hadda si tusaale ah looga wado magaalada Boosaaso, Shabakadda wadooyinka magaalada iyo cabbiradooda, Bixinta ruqsadda dhismayaasha iyo Kormeerka tayada dhismayaasha lagu fulinayo ee magaalooyinka.
Masuuliyiinta labada dhinac ee iska kaashaday qabashada tababarka ayaa ku tilmaamay ujeedada laga leeyahay inay tahay tayaynta shaqaalaha dowladaha hoose iyo dowlada dhexe si loo qaabeeyo magaalooyinka, Islamarkaana loo maareeyo arrimaha ku saabsan dhulka.
Tababaraddan ayaa ah kuwo daba-jooga buugga xeer nidaamiyaha magaalooyinka Puntland oo la filayo inuu wax wayn ka badelo qaab dhismeedka magaalooyinka, wuxuuna hadda horyaalla golaha Baarlamaanka si ay sharci uga soo saaraan arrimaha dhulka oo waayahan danbe khilaafkoodu soo badanayo .
Daawo Sawiro
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Puntland oo shuruuc u samaysay maareynta khilaafka dhulka iyo qorshaha magaalaynta appeared first on Puntland Post.