(PP MUQDISHO) Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa kulan Xasaasi Ah ku leh Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa ka soo laabtay Fasax dheer oo aan warbaahinta la la wadaagin oo Xildhibaanadu ay ku Maqnaayeen.
Xildhibaanada ayaa iminka warbixino ka dhageeysanaya Guddi Dastuurka Madaxa Banaan ee dalka Somalia oo kulamo la qaadanayay Madaxda Soomaalida kuwo beesha Caalamka iyo qeeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah Habdhoowraha Baarlamaanka Somalia oo la hadlay Warbaahinta ayaa Faah Faahiyay kulankaasi Baarlamaanka waxaana uu sheegay in Guddiga Dastuurka Madaxa banaan ay Baarlamaanka ka dhageeysan doonaan wixii u qabsoomay.
Waxaa sii dhamaanaya Waqtiga u haray Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia kuwaasi oo wali aan ansixin hindise sharciyeedyo badan oo hor yaala.
Hoos ka dhageeyso Warbixin.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntlandpost Ofice Muqdisho
The post Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia oo kulan Xasaasi Ah ku Leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.