Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Howl-gal lagu xaqiijinayo Amniga oo ka bilowday Puntland

$
0
0

Howl-galo lagu xaqiijinayo amaanka ayaa guud ahaan si isku mid ah saaka uga bilowday magaalooyinka Garowe, Qardho iyo Bosaso , waxaana lagu arkayaa jidadka magaalo madaxda Puntland ee Garowe ciidamo gaaf wareegaya oo aruurinaya hubka fudud ee ku jira gacanta shacabka,  Sidoo kalena waxay baabuurta ka fiiqayaan bacaha madow ee loo yaqaano beersoolka.

Howl-galkan oo ay qeyb weyn ka ciyaarayaan ciidanka guutada 2aad ee difaaca Puntland ee  DANAB iyo kuwa PSF-ta ayaa intii uu socday waxa lagu xir xirey , Islamarkaana qoryihii ay siteen looga qaaday askar ku labisan dareeska ciidanka oo si sharci daro ah hub ugu dhex sitay gudaha Garowe.

Iyadoona lagu tilmaami karo howl-galkan inuu ka mid yahay kuwii ugu xooganaa oo mar qura dowladu ka bilowday magaalooyinka waaweyn.

Maamulka Gobolka Nugaal oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegey inuu ka danbeeyey howl-galkan ka dib go,aan kazoo baxay madaxda sare ee dowlada Puntland iyo Hay,addaha Amniga u xilsaaran.

Kala soco Puntlandpost wixii faahfaahin ah.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Howl-gal lagu xaqiijinayo Amniga oo ka bilowday Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>