Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Alshabab iyo Shacab ku dagaalamay Gobolka Jubbada hoose

$
0
0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad dhexmaray mallayshiyaad katirsan Al Shabaab iyo dadka deegaanka kadib markii kooxdu gubtay baabuur shacab leeyihiin oo dhuxul u siday magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Iska hor imaadka labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay 5 qof, waxaana ku dhaawacmay Afar kale oo ka mid ah garabyada dagallamay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa ku waramay in khilaafka labada dhinac yimid kadib markii mallayshiyada Shabaab ku wargalisay in baabuurtoodu aysan tagi karin magaalada Kismayo.

Warar madax bannaan oo aan ka helay ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan gobolkaasi ayaa sheegaya in dagaalku salka ku hayo Zakawaat ay kooxdu damacday inay ka qaado dadka deegaanka.

Dhinaca kale waxaa ururka Al Shabaab deegaanka Saakoow ku xir-xireen in kabadan 20 ruux kuwaasoo lagu eedeeyay inay qayb ka ahaayeen dagaallo halkaasi ka dhacayay maalmihii u dambeeyay.

Xaaladda Saakoow ayaa dhawr maalin kacsanayd kadib markii lagu dilay dhowr sarkaal oo ururka katirsan kadib markii duqeymo iyo dagaal ku qaadeen ciidamada dowladda oo taageero ka helaya Maraykanka.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federalka Somalia, balse waxaa muddooyinkii dambe soo badanayay dagaallada u dhaxeeya shacabka iyo mallayshiyaadka Al Shabaab kuwaasoo ka dhashay u adkeysi la,aanta falalka uga yimaada shacabka kooxda Alshabab.

PUNTLAND POST

The post Alshabab iyo Shacab ku dagaalamay Gobolka Jubbada hoose appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>