Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Muumin ayaa maanta ku wareejisay Taliyaha Asluubta General Cali Nuur 39 cartoon oo ay ku jirto cuntada nafaqada leh ee loogu talo-galay in la siiyo dhalinyaro yar yar oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiga magaalada Garowe.
Taliyaha Xabsiyadda iyo Ciidanka Asluubta Puntland Jeneral Cali Nuur ayaa ka gudoomay Wasiir Aniso Xaaji Muumin Deeqdan ka timid Wasaaradda haweenka .
Booqashada Wasiir Aniso maanta ku tagtay xabsiga Garowe waxaa ku wehlinayay masuuliyiinta waaxda daryeelka caruurta ee wasaaradda , Mana ahan deeqdii ugu horeysay oo wasaaradda Haweenku u geyso maxaabiista ku xiran jeelasha Puntland.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasiirka Haweenka Puntland oo deeq gaysay xabsiga Garowe appeared first on Puntland Post.