INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUN. Isbitaal ku yaal magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA waxaa ku geeryootey Jannatul Fardowsa Allah aka waraabiye Marxuuma Maryam Muusse Guul (Maryam Mooses) oo ahayd xaaskii Janan Maxammed Abshir Muusse oo ahayd Hooyo Qaranka Soomaaliyeed taariikh balaaran kuleh.
Marxuumada ayaa ahaydhooyada toddoba ilmihiisa ah: Madiina, Deeqa, Cabdulraxiim, Cabdullaahi, Axmad, Faaduma iyo Khadiija. Qaraabada iyo Ummada Soomaaliyeedna waxay Marxuumadda Eebbe uga baryayaan Jannatul Fardowsa in uu geeyo, Maxammed Abshir Muusse iyo dhammaan ilmaha ay ka tagtay in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin:: Aamiin.