Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada Bosaso ku qaabiley wakiil ka socda Ururka Iftiimin Lobby oo ah urur dhawaan qurbo joog reer Puntland ah ku dhawaaqeen dhisitaankiisa.
Sakariye Isticmaar oo ah wakiilka Ururka ee Madaxweyne ku xigeenku la kulmey ayaa ugu horeyntii waxa uu gudoonsiiyey Gen C/samad cali shire Profile ama documentiga ururka Iftiimin Lobby ujeedadiisa ka xog waramaya.
Wuxuuna ugu horeyntii sharaxaad kooban ka bixiyey Mudane Sakariye yoolka iyo hadafka ururka Iftiimin, isagoo sheegey in uu yahay mid ku yimid dhismihiisa ka dib markii ay arkeen qurbo joogta Puntland in magaca Somalia caalamka si fowdo ah kooxo ku qaraabanaya ay uga qaraabtaan, iyadoo aanan jirin si xaq ah oo dadka Soomaaliyeed aan loo soo gaarsiin deeqaha beesha caalamka magaca somalia looga soo qaado.
Ururka Iftiimin ayuu sheegey sakariye in uu abaari doono xafiisyo badan oo ku yaal dunida taageerana siiya Somalia, kuwaas oo ay isku xil qaameen inay gaarsiiyaan xog dhabtaa ee wadanka iyo sida ay ku gaaraan deeqaha loo soo marsiiyo Dowlada Federalka.
Sakariye wuxuu sheegey in dadka reer Puntland ku dulman yihiin Dowlada Soomaaliya oo uu sheegey inay ku koobto deeqaha magaca Somalia kusoo qaadato Muqdisho oo kaliya, taasna ay gurmad ku aadan ururkoodu ka sameyn doono sida ugu dhakhsaha badan.
Sakaiye Isticmaar ayaa Madaxweyne Ku xigeen Abdisamad, ka codsadey in dadka Puntland ee Dalka Dibbadisa lagu soo xiro Puntland si maalgashi heer sare ah looga hirgasho Puntland.
Ugu danbeyntiina Gen Abdisamad, ayaa soo dhoweeyay Ururka Iftiimin, isagoo bogaadiyay doorka Ururka Iyo Waxqabadkooda ey durba bilaabeen, waxana uu xusey Bulshada ay kasoo baxaan dhalinyaro u istaagta danaha wadanka una kacda Bulshada Soomaaliyeed ee aan codka laheyn Iyo kuwa la duud siiyay xuquuqaha faraha badan.
Gen Abdisamad, waxa uu yiri “Soomaaliya Cadaalad baa deeqda waxana loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa Nidaam Cadaalad Iyo Sinaan ku dhisan.
Gen Abdisamad, waxa ugu baaqey dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland iney la shaqeeyaan Ururka Iftiimin Lobby oo noqon doona Urur Ummada Soomaaliyeed wax badan u qaban doona, isla markaana laga filayo inuu buuxiyo Baahiyo badan oo jirta.
Puntlandpost.com