Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shirka Golaha wasiirada ee Jubbaland oo maanta qodobo muhiim ah lagaga hadley

$
0
0

Kulanka Khamiislaha ahaa ee Golaha Xukuumada Jubbaland oo uu maanta shir Gudoomiyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin

Hindiso sharciyeedkii dhulalka ay dowladdu leedahay ee ay shacabku deganyihiin oo ay shaley baarlamaanku ansixiyeen.

Golaha Xukuumadu waxaa ay soo dhaweeyeen Ansixinta Golaha Baarlamaanku uu meel mariyay qodobkaas waxaana ay isku raaceen

In la sameeyo guddi wacyi galin oo dadka lahadla kahor inta aan lafulinin hindisahan iyadoo Xukuumadu ay sida ugu dhaw u samayn doonto gudigaas oo shaqadooda guda gali doona kahor kulanka soo socda ee Xukuumada

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gudbisey miisaaniyadda 19ka wasaaradood iyo hay,adaha kale ee Dowladda .

Miisaaniyadii Hore ee ay meel mariyeen Baarlamaanka ayay Wasaaradda maaliyaddu ku dartay Wasaarado Cusub taas oo ka dhigaysa miisaaniyada 19 Wasaaradood oo kamid ah Xukuumada.

Wasaaradaha Madaxtooyada iyo amniga ayaa kaalmaha ugu horeeya kaga jira kala saraynta miisaaniyadda.

PUNTLAND POST

The post Shirka Golaha wasiirada ee Jubbaland oo maanta qodobo muhiim ah lagaga hadley appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>