Wasaaradda deegaanka dowladda Puntland ayaa maanta ku qabatay magaalada Garoowe shirweyne looga arrinsanayo meelmarinta xeerka deegaanka Puntland, waxaana kasoo qeyb galay shirkan xubno matalaya qaybaha bulshada gaar ahaan oday dhaqameedka, dhalinyarada iyo haweenka lagana soo xulay shan degmo oo horumar ka sameeyey ilaalinta deegaanka Puntland.
Ugu horayn waxaa shirkan daahfurtay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka, duur joogta iyo dalxiiska ee dowladda Puntland Muno Daahir Dalmar, waxayna ugu baaqday kasoo qaybgalayaasha inay ka dhabeeyaan matalaada ummadda reer Puntland.
Agaasimaha ayaa shaaca ka qaaday in xeerkaani marka uu soo dhammaado ay ka ansixin doonaan golayaasha dowladda si loogu dhowro deegaanka oo ah go’aamiyaha dhabta ah ee nolosha dhammaan noolayaasha.
Setow Abdi oo kasocdey Hay’ada Care oo wasaaradda deegaanka dowladda Puntland kala shaqaynaysay dhammaystirka iyo meelmarinta xeerkaani ayaa sheegay inay mudo kuhowlanaayeen sidii ay u bulshadu uga tashan lahayd dejinta xeer la jaanqaadi kara xilliga lagu jir.
Ugu dambayntiina qaar kamid ah ka qaybgalayaashii kulanka ayaa wasaaradda uga mahadceliyey shaqada ay qabatay, waxaana ay sheegeen inay diyaar u yihiin fulinta xeerkaani marka uu meelmaro.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Shir lagu ansixinayo xeerka dhaqmeedka deegaanka oo lagu qabtay Garowe appeared first on Puntland Post.