Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Howl-galka ka socda Caasimada Puntland oo laga hadlay

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Taliyaha ciidanka DANAB ee kumaandoosta Puntland Korneyl Jimcaale Jaamac Takar, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Korneyl Cumar Faraweyne iyo Duqa degmada Garowe Xasan Goodir oo maanta si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay Garowe, waxayna faahfaahin ka bixiyeen howgal nabad gelyada lagu xoojinayo oo ka socda Garowe.

Taliyaha ciidanka kumaandooska Puntland oo ugu horayn shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay ku guulayteen soo  celinta nabadgelyadii iyo kala dambayntii Garowe, isagoo sheegay inay maanta la shireen ciidamada howgalkaan fulinaya oo ay kala hadleen inay gacan bir ah ku qabtaan wax walba oo qatar ku ah amniga caasimadda , sidoo kale wuxuu sheegay inay fareen ciidamada inay shacabka si degan oo asluub leh ugu shaqeeyaan.

Wuxuuu sheegay taliyuhu in tilaabo sharci ah laga qaadidoono cidii ka hortimaada howgalkaan ammaanka lagu xaqiijinayo, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ciidamada howlgalka ku jira  soo dhoweeyaan lana shaqeeyaan, si loosoo afjaro dambiilayaasha ku howlan falalka nabad gelyada lidiga ku ah.

Duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise (Goodir) oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay sababta howgalkaan loo fulinayo inay tahay habac ku yimid ammaanka magaalada Garowe, taasoo kaliftay inay dowladdu abaabusho ciidan isku dhaf ah oo soo celiya amniga magaalada Garowe. Duqu wuxuu sheegay inaysan jiridoonin askari aan howgal ku jirin oo magaalada ku dhex sita qori. Sidoo kale wuxuu sheegay in tilaabo adag laga qaaadidoono dadka ku howlan xirmaysiga wadooyinka caasimadda  iyo tuulooyinka hoos yimaada, wuxuuna farriin adag udiray dadka wadooyinka goosta.

Gudooniyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo ugu dambayn shirkaan ka hadlay ayaa sheegay inay gudanayaan waajibaadkooda qaran ee ka saaran nabad gelyada magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, wuxuuna sheegay inay qabanayaan cid kasta oo caqabad ku ah ammaanka magaalada.

Gudoommiyuhu wuxuu sheegay magaalada Garowe inay udiyaar garoobayso marti gelinta shirar waaweyn oo uu kamid yahay soo xulista xildhibaanada aqalka hoose ee Puntland umatalaya dowladda federalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna sidaas darteed sheegay in loo baahan yahay inay caasimaddu noqoto meel ammaankeeda 100% la isku halayn karo oo aan wax cabsi ahi ka jirin.

IMG_9490 IMG_9492 IMG_9494(1) IMG_9495 IMG_9497 IMG_9499 IMG_9501 IMG_9502 IMG_9503 IMG_9504 IMG_9506 IMG_9507 IMG_9509 IMG_9510 IMG_9512 IMG_9519 IMG_9520 IMG_9521 IMG_9522 IMG_9523 IMG_95771 IMG_95851 IMG_95911 IMG_95931Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Howl-galka ka socda Caasimada Puntland oo laga hadlay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>