Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Qaraxyo Ismiidaamin ah oo Goordhow ka dhacay Magaalada Gal-kacyo

$
0
0

Wararka hadda naga soo Gaaraya Magaalada Gal-kacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow ay ka dhaceen Qaraxyo ismiidaamin ah.

Goobjoogayaal ku Sugan Gal-kacyo oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in maqleen Qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay Gudaha Magaalada Gal-kacyo.

Qaraxyada ayaa waxa ay ka dhaceen Dhanka Woqooyi ee Magaalada Gal-kacyo Waxaana la la eegtay Xarunta Dowlada Hoose ee Gal-kacyo.

Ruux Goobjooge ah Ayaa Puntland Post u Sheegay in Qaraxyada oo Ahaa Labo Gaari oo Laga Soo Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa lagu Qarxiyay Xarunta Dowlada Hoose oo ku Dhow Suuqa Dayax Dhanka Woqooyi ee Magaalada Gal-kacyo.

Qasaaraha ka dhashay Qaraxyadaasi ilaa iyo iminka lama oga .

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah .

Puntland post

The post Qaraxyo Ismiidaamin ah oo Goordhow ka dhacay Magaalada Gal-kacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>