Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha Maxkamada sarre Puntland oo xilka la wareegay

$
0
0

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 21 Agoosto, 2016 xarunta Maxakamadda Sare ee dawladda Puntland kaga qayb galay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare iyo guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Puntland.

Munaasabadda xilwareejinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda dawladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac, guddoomiyiha Maxakamadda Sare Yuusuf Xaaji Nuur, guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Cabdilqaadir Shiikh Maxamuud, guddoomiye kuxigeenka maxakamadda Sare iyo dhammaan xubnaha Maxkamadda sare ay ka kooban tahay.

Guddoomihii hore ee Maxakamadda sare ayaa ka sheekeeyey horumarrada ay samaysay Maxkamaddu muddadii uu xilka hayey gaar ahaan tababarada qaadiyada, tayaynta iyo qalabaynta xafiisyada iyo gaadiidka ay heshay maxkamaddu si ay hawleheeda u gudato, sidoo kale waxa uu ka warramay caqabadaha la soo gudboonaadey muddadii ay shaqada hayeen.

Guddoomiyaha Cusub ee maanta xilka la wareegey Yuusuf Xaaji Nuur ayaa xusay in uu hore Maxkamaddaan uga soo shaqeeyey isla markaana uu fahamsan yahay horumarrada uu samayn karo iyo caqabadaha ka hor imaan kara, balse waxaa uu ka codsaday xukuumadda in ay si buuxda ula shaqayso Maxkamadda Sare si habsami u socodka shaqu uu dar-dar u yeesho, waxaana uu ballan qaaday in uu meel wanaagsan gaarsiin doono Maxkamadda Sare ee Puntland.

Dhinaca kale Kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa ku ammaanay guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare dedaalka uu muujiyey muddadii uu shaqada hayey, waxaana uu guddoomiyaha cusub kula dar-daarmay in uu u caddaalad sameeyo ummadda kana dhabeeyo masuuliyadda uu qaaday.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynaha ayaa munaasabadda xil-wareejinta ka sheegay in ay xukuumaddu si buuxda ula shaqayn doonto Maxkamadda Sare, wax walba oo dhinaca xukuumadda kaga xirmana ay xukuumaddu fududayn doonto balse looga baahan yahay in Maxkamaddu ay marwalba caddaaladda ku taagnaato.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_3736 IMG_3737 IMG_3739 IMG_3740 IMG_3741 IMG_3742 IMG_3746 IMG_3747 IMG_3749 IMG_3751 IMG_3753 IMG_3757 IMG_3767 IMG_3775 IMG_3777 IMG_3778 IMG_3780 IMG_3782 IMG_3785

The post Gudoomiyaha Maxkamada sarre Puntland oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>