Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weeraro Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan halka ay ku taalo xarunta dowlada hoose iyo suuqa dayax ee magaalada Gaalkacyo sida ay ku xaqiijisay war kazoo baxay Alshabab.
Dagaal-yahano Alshabab ugu yeertay magacooda Istish-haadiyiin ayay sheegtay inay fuliyeen qaraxyada ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay Gaalkacyo.
Weerarkan is qarxinta oo la rumaysan yahay inuu ahaa kii ugu xooganaa abid oo ka dhaca Gaalkacyo, waxaana inta la og yahay ku dhintay ka badan 25 qof oo shacab u badan iyo Askar ciidanka dowlada hoose qeybta Puntland ee Gaalkacyo.
Qaraxyada maanta ka dhacay Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u danbeeyey howl-galo amniga lagu sugayo Gaalkacyo ka wadeen ciidamo isku dhaf ah oo ka kala tirsan Puntland iyo Dowlada Federalka Somalia.
PUNTLAND POST
The post Alshabab oo sheegatay Masuuliyadda Qaraxyadii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.