Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe tababar u furmay dhamaan shaqaalaha wasaaradda deegaanka Puntland

$
0
0

Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska ayaa maanta Garowe uga furtay tababar shan cisho u socon doono shaqaalaha Wasaaradda ee degmooyinka iyo Gobolada Puntland , Waxaana kasoo qeybgalay dhamaan shaqaalaha iyo Isku-duwayaasha Wasaaradda u fadhiya Bari, Mudug, Nugaal, Karkaar, Gardafuu,Haylaan,Sanaag,Sool iyo Cayn .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Puntland Muno Cumar Daahir oo furtay tababarkan ayaa faahfaahin ka bixisay muhiimiyadda uu leeyahay , Waxayna sheegtay inuu u horseedi doono isku xirnaan guud oo dhex marta shaqaalaha iyo xarunta dhexe ee wasaaradda .

Waxay intaas ku dartay Agaasime Muno Daahir inta uu socdo tababarku in lagu baranayo dhowr arrimood oo ay ka mid tahay sida shaqada loogu kala sareeyo ama loogu kala hooseeyo oo ay sheegtay inay usoo kordhinayso wasaaradda warbixino iyo xogo joogto ah oo ay mar walba isdhaafsanayaan Shaqaalaha u jooga Gobolladda,Degmooyinka iyo Madaxda Wasaaradda Deegaanka Puntland.

Dhinaca kale Sabdow Bashiir oo ah sarkaal ka tirsan Hay,adda Care International oo wasaaradda kala shaqeynaya tababarka shaqaalaheeda maanta uga furmay Garowe ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay farqiga u dhaxeeya 3 sano ka hor shaqaalaha wasaaradda iyo Tirada Wasaaradda maanta uga howl-gasha Goboladda iyo Degmooyinka Puntland.

Sabdow Bashiir ayaa sheegey in  ilaa 15 shaqaale ah oo kaliya  Wasaaradda u fadhiyeen saddex sano ka hor gobolada balse maanta ay gaarayso tirada shaqaalaha wasaaradda uga howl-galaya degmooyinka iyo gobolada kale 40 marka laga reebo shaqaalaha wasaaradda xarunta dhexe ee  Garowe.

Isku soo wada duuboo Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska ayaa mudooyinkan danbe safka hore kaga jirtay kuwa ugu waxqabadka badan hay,addaha dowliga ah ee Puntland , Marka loo eego baaxada shaqada ay u hayso dalka.

DSCN2800 DSCN2803 DSCN2805 DSCN2806 DSCN2809 DSCN2810 DSCN2811 DSCN2812 DSCN2814 DSCN2815 DSCN2816 DSCN2817 DSCN2818 DSCN2821 DSCN2823  DSCN2828 DSCN2831 DSCN2832 DSCN2837 DSCN2838 DSCN2839 DSCN2842 DSCN2845 DSCN2849 DSCN2850 DSCN2851 DSCN2858 DSCN2861 DSCN2863 DSCN2864 DSCN2866 DSCN2867 DSCN2868 DSCN2871 DSCN2872 DSCN2875 DSCN2877DSCN2798 DSCN2802 DSCN2807 DSCN2820 DSCN2824 DSCN2826Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Garowe tababar u furmay dhamaan shaqaalaha wasaaradda deegaanka Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>