Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Jubbaland oo Cambaareeyay Qaraxyadii Gal-kacyo

$
0
0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Wariyaasha kula hadlay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubbada Hoose ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Qaraxyada ahaa ee Shalay ka dhacay Gal-kacyo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u tacsiyeeyay ehaladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyoodeen Dhamaan Dadkii Naftoodii ku waayay weerarkaasi.

Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u midoobaan in ay ka hortagaan Dadka Geeysanaya qaraxyadaan Dadka Rayidka ah ay ku Waxyeeloobayaan.

Shalay ayaa weerar is xig xigay oo qasaare Geeystay waxa ay ka dhaceen Magaalada Gal-kacyo ee Xarunta Gobolka Mudug .

Masuuliyada Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gal-kacyo waxaa Sheegaty Xarakada Al-Shabaab.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubbaland oo Cambaareeyay Qaraxyadii Gal-kacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>