Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus ohio ee dalka Mareykanka ayaa yeeshay kulan lagu dhiirogalinayay dadka waxbartay iyo ganacsatada in ay dalkii dib ugu laabtaan isla markaana ka qeyb qaataan is badalka uu dalku galayo.
Waxaa kulankan ka soo qeybgalay ganacsato iyo aqoonyahan aad u daneeya arimaha Soomaaliya waxaa ay dhamaan ka sinaayeen sidii loo raadin lahaa Haykal qaran oo ka bad qaba dhibaataynta dadka iyo dalka si loo helo dal iyo dad hiigsi fiican leh.
Eng. Mohamud Mahamed Cadami oo ah masuul xilal kala duwan ka soo qeybtay dowladii dhexe ee Soomaaliya in mudaana ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa dhawaan Socdaal uu ku tagay dalka Soomaaliya waxa uu ka muujiyay in doorkii aqoonyahanka iyo siyaasida Soomaaliyeed uu wali banaan yahay loona bahanyahay in dalka dib loogu laabto.
Cadami ayaa sheegay in uu u taaganyahay qabashada xilka Aqalka sare dowlada faderalka Soomaaliya gaar ahaan dhanka Puntaland.
“Waxaan hubaa in aqoontayda iyo qibradayda u udalku u bahanyahay waxaan Go’aansaday in aan dalka joogo una adeego dadkayga ilaa aan aragno Soomaaliya oo soo laabatay” ayuu yiri Dr. Cadami.
Dhamaan dadkii ka soo qeybgalay kulankan waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen tilaabadan uu Cadami qaaday iyo in ay dhiiro galinayso ganacsato iyo aqoonyahan badan oo qurbaha ku sugan.
Waxa ay kula dar daarmeen wax qabad iyo raadinta Soomaalinimo dhab ah.
Inbadan oo ka mid ah dadkii ka hadlay kulanka ayaa muujiyay sida ay ugu diyaarsanyihiin in ay dalkooda ku laabtaan balse wali ay ka wal walayaan xaalada amaan ee jirta.
Mudadii uu kulankan socday waxaa loo tacsiyeeyay Sadex Masuul oo isku asbuuc geriyooday kuwaas oo kala ahaa.
Ugaas: Abdilahi Ese Nur
Eng. Keyna diid
Sareeyo Gaas: Mohamed Cali Samatar
Iyaga oo Alle uga baryay Naxariistii janada in uu ka waraabiyo eheladana samir u ka sooyo.
PUNTLAND POST
The post Jaaliyada Columbus oo qabatay kulan dhiiri galin u ah aqoonyahanka Somalida appeared first on Puntland Post.