Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Midowga Yurub oo xafiis wayn ka furanaya magaalada Garowe

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Shir looga hadlayo sidii loo balaarin lahaa mashaariicda  laga fulinayo deegaanada Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe, Waxaana kazoo qeyb galay madaxda ugu sareysa hay,adda midowga yurub u qaabilsan bixinta deeqaha caalamiga, Masuuliyiin ka socda Wasaaradaha Qorsheynta, Cadaalada, Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Puntland.

Shirkan oo ahaa midkii ugu horeeyey oo lagu daahfurayo sidii xafiis wayn midowga Yurub uu uga furan lahaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe waxa si rasmiya u furay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dowlada Puntland Shire Xaaji Faarax.

Wasiir Shire Xaaji ayaa sheegay in shirkani yahay labo qeybood oo socon doona galinka hore iyo galinka danbe ee maanta , loogana hadlayo qaybtiisa 1aad sidii loo balaarin lahaa mashaariicda  islamarkaana loo gaarsiin lahaa deegaanada ka baxsan wadada laamiga .

Qeybta 2aad shirka oo galinka danbe ah waxaa kazoo qayb galaya waftiyo ka socda Midowga Yurub oo laga sugayo inay galinka hore ee maanta ka yimaadaan magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya, Kuwaas oo la filayo inay ka qayb galaan qorshaha shirkan looga hadlayo iyo furida xafiiskii ugu horeeyey Hay,adda  Midowga Yurub u qaabilsan deeqaha ka furayso Caasimada Puntland ee Garowe.

 Daawo Wasiir Shire oo ka warbixinaya

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Midowga Yurub oo xafiis wayn ka furanaya magaalada Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>