Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camay, oo saaka tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa booqday goobihii shalay la weeraray iyo xarumaha caafimaadka ee lagu dabiibayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Gaalkacyo.
C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camay, waxaa kormeerka ku weheliyay, Wasiiro ay ka mid yihiin Waxbarshada,Caafimaadka,Howlaha Guud,, Xildhibaano Maamulka Gobalka Mudug iyo Maamulka degmada Gaalkacyo.
Xarumaha ay kormeereen waxaa ka mid ahaa, dhismaha dowladda hoose,Suuqyada Xero Dayax , Isbitaalada GMC, Guryosamo iyo Isbitaalka guud oo lagu dabiibayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo.
Wasiirka Caafimaadka Puntland, C/naasir Cismaan Cuuke ayaa sheegay in dhaawacyadu ay u badan yihiin dad shacab ah, waxaana uu tilmaamay in kuwa halista ah loo qaadi doono dalka dibadiisa, si loo soo dabiibo.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camay ayaa sheegay in weerada ay gaysteen rag, waxaana uu tilmaamay iney baaritaan ku hayaan meeshii laga soo abaabulay iyo dadkii fuliyay.
C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa reer Puntland uga tacsiyeeyay weeraradii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana uu bulshada ka codsaday iney isku tiirsanaadaan, si ay isaga difaacaan weerarada.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu dambayntii u mahadceliyay Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa maamul Goboleedyada oo uu sheegay iney uga soo tacsiyeeyeen, weerarkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Intaasi ka dib, wefdiga madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa booqday Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, waxaana ay iska warasyteen xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo.
Daawo Sawiro Kormeerka Madaxweyne kuxigeenka Puntland
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Eng Camay oo gaalkacyo ku booqanaya dadka ku dhaawacmay weerarkii shalay appeared first on Puntland Post.