Wararka laga helayo Dalka Swedhan gaar Ahaan Magaala Gothenberg Ayaa waxa ay sheegayaan in Qooys Soomaaliyeed halkaasi lagu weeraray.
Wararku Waxa ay sheegayaan in Qooyskaan Soomaaliyeed lagu tuuray Bam Gacmeed guri Ay Daganaayeen oo ku yaala magaaladaasi Cothenberg .
Falkaan ayaa yimid kadib markii muran uu soo kala dhaxgalay Qooys kale oo Taasi oo Sababtay in Bamka lagu tuure qoosykaasi.
Ciidanka Booliska Waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ay kusoo qabanayaan cida ka dambeysay weerarka lagu qaaday qoyska Soomaaliyeed ee kunoolaa dalka Sweden.
Ehlada la weeraray oo La hadlay Warbaahinta Dalka Swedan Ayaa waxa ay sheegeen in iyaga oo iska jooga Gurigooda Bam lagu soo tuurya waxaana uu haleelay wiil da’diida lagu sheegay 8 jir kaasi oo isla Goobta ku geeeriyooday.
Qaar kamid ah Warbaahinta Gudaha ee dalka Swedan Ayaa Qoraya Saakay in Qooyskaan Soomaaliyeed ee Bamka lagu tuuray uu horay mid kamid ah uu Bam ugu tuuray qoosya Swedish ah taasi oo keentay in ay iyana aargutaan.
Booliska Dalka Swedan Ayaa iminka wada baaritaano ku aadan sida uu falkaasi u dhacay.
Puntland Post
The post 8 jir Soomaali ah oo ku Dhintay Bam Lagu tooray Guri Ay daganaayeen Dalka Swedan appeared first on Puntland Post.