Garowe (Puntland Post):-Waxaa magalada garoowe ku geeriyooday habeenimo isniin ah taariikhduna ahayd 22/08/2016 Marxuun Jaamac Xaaji Nuux Cali “Jaamac dhahar” oo la rumaysan yahay inuu ka mid ahaa dadka ugu faca-wayn deegaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Somalia
Taariikhda marxuunka ,Jaamac Xaaji Nuux Cali , Jaamac dhahar
Marxuumka ayaa ku dhashay degmada Bendar-beyla ee Gobolka Karkaar ,sanadkii 1907 xaafadda Golon , wuxuuna ku geeriyooday isagoo jira da,da 109 sano (Boqol iyo Sagaal sanadood).
Marxuunku wuxuu ku qaatay noloshiisa , Degmada qadiimiga ah ee Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal, isagoona ahaa ganacsade ka ganacsada Xoolaha , Dhagaha libaaxa, Kaanbaha , Kalluunka , Sidoo kalena wuxuu ahaa xubinta Gudoomihii iskaashatada kallumaysatada Degmadda Eyl (bedey) Somalia,
Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa odoyaashii rasmiga ahaa ee Degmadda Eyl Somalia ,Allaha u naxariisto marxuunku , wuxuu khabiir ku ahaa, Badda Somalia, oo in muddo ah ka shaqeynayay.
Dhamaanteen marxuunka ehaladii iyo qoyskii uu ka tagay waxaan ilaah uga baryeenaa inuu jannadii fardowsa geeyo . isla markaana uu samir iyo iimaan ka siiyo intii uu ifka uga tagay
Aamin aamin aamin
Sidoo kale marxuunka eheladiisa waxaa halkaan tacsi uga diraya dadka kala ah
- Haashim jaamac dhahar
- Yusuf jaamac dhahar
- Cali jaamac dhahar
- Cabdisalaam jaamac dhahar
- Caydaruus jaamac dhahar
- Faarax salad xaaji nuux
- Mohamed salad xaaji nuux
- Xildhibaan siciid maxamed salad kabtan
- Eng jaamac cumar xaaji nuux
- Dr Mohamed ali faarax
- Sh abdirisaaq xuseen ciise
- Prof abdiwali jaamac ciise
- Faadumo jaamac aadan
- Xaaawo jaamac dhahar
- Nuux jaamac dhahar
- Cabdi faarax xaaji nuux
- Faadumo Aw cabdi nuux
- Saahid maxamuud cabdi nuux
PUNTLAND POST
The post Jaamac Dhahar oo ku geeriyooday magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.