Garoowe: (pp)- Munaasabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayey arday dhameystay barnaamijyo ku saabsan ganacsiga, kana soo baxay jaamacadaha PSU iyo East Africa ayaa lagu qabtey magaalada Garowe, waxaana kasoo qeyb galay munaasabada masuuliyiin ka socotay, Rugta Ganacsiga ,Ganacsato iyo Xubno ka socdey Ururada.
Maxamud Axmed Faarax (Qawdhan) oo faahfaahin kooban ka bixiyey barnaamijka ayaa sheegey in uu la xiriiro mid shaqo abuur ah oo dhalinyarada ganacsatada looga raadinayo fursado shaqo.
Mr Qawdhan waxa uu intaas ku darey in barnaamijka lagu tabo barayey ilaa 1000 qof oo ganacsato ah balse ay kusoo bedeleen 300 oo ka mid ah ardayda soo dhameysatey waxbarashada ee kasoo baxay jaamacadaha.
Qaar ka mid ah dadkii kasoo qeyb galay barnaamijka shaqo abuur oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegey inay kusoo barteen ilaa iyo 9 mowduuc.
Maxamuud Ismaaciil Aw-Cismaan oo ah maamulaha shirkada Golis ee Gobolka Nugaal oo ku hadlay magaca ganacsatada ayaa sheegay inay iyagu ka shirkad ahaan ay soo dhawaynayaan ardaydan ,islamarkaana ay shaqo u raadinayaan waxana uu kula dardaarmay inay la yimaadaan hufnaan,karti.waxqabad iyo dadaal.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe.