Kismaayo: (pp)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kasoo laabtey sida ay sheegayaan ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Kismaayo kulan uu kula galey magaalada Lamu ee dalka Kenya saraakiil sare oo ka tirsan KDF ( Kenyan defence Force) , wuxuuna ka dib kulankaas dib ugu laabtey Kismaayo.
Warbaahinta Somalida ayaa qaarkood waxay soo daabaceen warar ku saabsan in Madaxweynaha Jubaland uu aadey Nairobi, balse Puntlandpost oo xiriiro kala duwan la sameysay saraakiisha madaxtooyada Maamulka Jubaland ayay noo xaqiijiyeen Madaxweyne Axmed maxamed Islaam uu haatan ku sugan yahay Kismaayo.
Horey waxaa u jirtey in Madaxweynaha Jubaland lagu waday inuu gaaro Nairobi, balse lama garan karo qorshihiisii hore in uu ku yimid isbedel iyo in kale , iyadoona warar madax banaan ay sheegayaan laga yaabe maalmaha soo socda oo ay wafti uu hogaaminayo Axmed Madoobe u duulaan Nairobi.
Axmed Madoobe oo loo doortey Madaxweynaha Jubaland ayaa wali maamulkiisu uu yahay mid aan u dhameystirnayn golihii xukuumada iyo Baarlamanka , iyadoona Bulshada degan Gobolada Jubaland ay ka dhur sugayaan dhameystirka maamulka oo xil weyn uu ka saaran yahay odoyaasha beelaha goboladaas oo soo dooran doona xubnaha xillibaanada iyo dhismaha golaha wasiirada oo laga sugayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubaland .
Puntlandpost.com