Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Sarkaal Sare oo katirsan Wasaarada Gaashaandhiga Somalia oo Muqdisho lagu Dilay

$
0
0

Dableey hubeeysan Ayaa Goordhow Magaalada Muqdisho Waxa ay ku Dileen Allaha u naxariistee Gaashaanle Sare Yaxye Xaaji Cali Aadan oo kamid ah Saraakiisha ugu Sar sareeysa ee Wasaarada Gaashaandhiga.

Goobjoogayaal Ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in Sarkaalkaasi lagu Dilay Degmada Dharkiinleey Ee Gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa la dilay Xili uu ka soo baxay hooygiisa islamarkaasina ku sii jeeday Xarunta Shaqadiisa Ayaa Kooxo Bastoolado ku hubeeysan Ay Rasaas la dhaceen taasi oo keentay in uu Dhinto Sarkaalkaasi.

Ciidamo katirsan kuwa Dowlada Somalia Ayaa Soo gaaray Goobtii uu Dilka ka dhacay kuwaasi oo halkaasi ka wada howlgalo balaaran.

Maamulka Degmada Dharkiinleey oo Aan la Xariirnay Ayaa ka Gaabsaday in ay Faah faahin ka bixiyaan Dilka Sarkaalkaasi Lagu Dilay Degmadaasi.

Dilalka Ceenkaan oo kale ah oo lagu Dilayo Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada Somalia Ayaa ka dhaca Gudaha Magaalada Muqdisho.

Xasan Maxamed Smaatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Sarkaal Sare oo katirsan Wasaarada Gaashaandhiga Somalia oo Muqdisho lagu Dilay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>