Garowe (Puntland post):- Shir ay soo qaban qaabiyeen xubnaha hirgelinta doorashada 2016 ee Puntland iyo Xubno ka socday Gudiga Hirgalinta Doorashada Dad-ban ee heer federaal ayaa maanta ka furmay xarunta hoolka Barlamaanka Puntland ee magaalada Garowe,.
Shirkan oo lagu wado inuu socda saddexda cisho ee soo socota waxaa ka qeybgalaya qaar ka mid ah Issimada Puntland, Waxaana diirada lagu saarayaa sida loo soo xulayo 51-ka xubnood ee la Rajaynayo inay soo kala saaran dhamaadka bishan iyo bilow-ga bisha danbe Musharaxiinta u tartamaya ka mid noqoshada Aqalka hoose ee Soomaaliya , Islamarkaana u matali doona Puntland afarta sano ee soo socota Baarlmaaka Soomaaliya.
Saciid Jaamac Qorsheel oo ka mid ah Xubnaha Gudiga Hirgalinta Doorashada Soomaaliya ee heer Federal oo ka hadlaya madasha shirka ayaa Saxiixayaasha Xubanaha Aqalka hoose ee Soomaaliya u sharaxay Waxyaabaha lago baahan-yahay 51 Ergo ee kala saaraya dadka u sharaxan xubnaha aqalka hoose.
Sidoo kale,Gudoomiyaha Gudiga Hirgalinta Doorashada Dad-ban ee Puntland Khaliif Aw Cali oo isna shir ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay in laga wada-xaajoodo qaabka loo soo xulayo Ergooyinka kala dooranaya dadka u ordaya ka mid noqoshada Aqalka hoose ee Soomaaliya.
Dhinaca kale,Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaasha iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlmaanka Puntland C/xamiid Sheikh Cismaan ayaa sheegay in Puntland qaadanayso doorka ay u leedahay Shirarka lagu xulayo 42 ka mid ah 275-ta xubnood ee aqalka hoose ee Soomaaliya.
Tirada baarlamanka cusub oo looga baahan yahay inay noqoto 275 xubnood waxa u ordaya musharaxiin ka badan 1,000 Qof, Waxaana lagu wadaa inay kala saaraan ergo ka badan 14 kun , kuwaas oo u kala xuli doona beelaha Soomaaliyeed, Iyadoona qorshuhu yahay in la dhaariyo baarlamanka cusub 20-ka bisha sagaalad ee soo socota.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Garowe oo looga shirayo qaabka xulida Baarlamanka cusub ee Somalia appeared first on Puntland Post.