Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maydka G. Maxamed Cali Samatar oo Maanta laga soo Dajinayo Magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post) Magaalada Muqdisho Ayaa maanta oo Khamiis Waxaa lagu Wadaa in laga Soo Dajiyo Diyaaradii siday Allaha u naxariistee Maydka General Maxamed Cali Samatar oo ku Geeriyooday Wadanka Mareykanka.

Qaban Qaabo balaaran oo loogu diyaargaroobayo kutugashada Salaada Janaasada iyo Aaska Marxuumka ayaa ka soconeeysa Magaalada Muqdisho.

Dowlada Somalia ayaa Guddi u magacaawday Qaban Qaabada Aaska Allaha u naxariistee General Cali Samatar Waxaana wafdigaasi Guddoomiye u ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sh.Cismaan Jawaari.

Gudoomiye Jawaari Ayaa waxa uu sheegay in Calanka hoos loo dhigi doono muddo 3 bari ah si loo muujiyo in dalka Somalia uu ka baxay Shaqsi Qaranka u shaqeeyay.

Madaxda ugu sareeyso ee dalka ayaa lagu wadaa in ay ka qeeybgalaan Aaska Allaha u naxariistee General Maxamed Cali Samatar.

Amaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana Goob waliba lagu arkaya ciidamo katirsan kuwo dowlada Somalia.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Xafiiska Wararka Puntland Post Muqdisho

The post Maydka G. Maxamed Cali Samatar oo Maanta laga soo Dajinayo Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>