Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ee hawlaha shaqo u joogey dalka Itoobiya ayaa maanta 25 Agoosto, 2016 gaaarey magaalada Istaanbuul ee xarunta Ganacsiga ee dalka Turkiga, kaddib markii uu Madaxweynuhu marti qaad rasmi ah ka helay dawladda  Turkiga.

Madaxweynaha ayaa waxa safarkiisa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Deeq Saleebaan Yuusuf iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka dawladda Turkiga Versi Kaynak,  Xildhibaan Kani Turum iyo Masuuliyiin kale oo ka kala tirsan hay’adda u qaabilsan dalkaasi arrimaha Afrika iyo  wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Soo dhoweyn kaddib Madaxweynaha iyo masuuliyiintii ka tirsanayd dawladda Turkiga ayaa wada qaatay kulan muhim ah oo diirradda lagu saarayey sidii ay labada dhinac u sii amba qaadi lahaayeen xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo midka walaalnimo  ee ka dhexeeya labada dhinac iyo sidii ay dawladda Turkigu mashaariicda ay ka fuliso Soomaaliya ay Puntland qaybteeda uga heli lahayd maadaama ay  Puntland u gudubtey heerkii horumarka.

Kulankaasi ay wada qaateen Madaxweynaha dawladda Puntland Madaxda sare ee dawladda Turkiga ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha soomaaliya gaar ahaan marxaladdaan kala guurka ah ee uu dalku ku jiro  maadaama dawladda Turkigu ay ka mid tahay dawladaha daneeyo  Soomaaliya.

Ugu dambayn Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u amba baxay magaalada lagu magcaabo Bursa ee dalkaasi Turkiga,  halkaas oo ay kulamo kula qaadan doonaan Madaxda ugu sarraysa dalkaasi isla markaana ay kala xaajoon doonaan habka ugu wanaagsan ee ay dawladda Turkigu mashaariic horle uga hirgelin karto Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku hawllan sidii uu Puntland uga hirgelin lahaa mashaariic horle oo la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta Ganacsiga iyo maalgelin caalami ah, sidoo kale Madaxweynaha ayaa diirradda saaraya sidii ay Puntland xiriirro wanaagsanula yeelan lahayd  dhammaan dawladaha daneeya Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
FullSizeRender IMG_6494 IMG_6496 IMG_6498 IMG_6505 IMG_6517 IMG_6580 IMG_6584 IMG_6594 IMG_6597 IMG_6620 IMG_6621

The post Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>