Magaalada Gaalkacayo gaar ahaan Hotel Al-jaziira waxaa ka qabsoontay xaflad qado sharaf ah oo si weyn loo agaasimay , xafladaas oo salka ku haysay Meherka lamaanaha is calmaday oo kala ah Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil “Cawl” iyo Faaiza Cabdirsaaq Nuur ‘Cirfe” .
Labada qoys ee ay kasoo jeedaan Mudanaha iyo Marwadiisa ayaa si waafaqsan diinteena islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida isula ogolaaday in la isugu meheriyo lamaanaha is calmaday ee Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil “Cawl”, waxaana halkaasi si rasmi ah Faaiza Cabdirsaaq Nuur ‘Cirfe” loogu mehriyay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil “Cawl” .
Munaasabadda meherka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Puntland oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildibaano, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Waxaa sidoo kale munaasabadda farxadda ah ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayey Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad iyo xubno kale oo muhiim ah.
Munaasabadda Meherka lamaanahan is calmaday ee Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil “Cawl” iyo Faaiza Cabdirsaaq Nuur ‘Cirfe” waxaa iyaguna ka qayb galay waxgaradka iyo haldoorka ka soo kala jeeda qoysaska walaalaha ah ee lamaanahan loo qabtay xafladda meherka oo ahayd munaasabad
hab maamuuskeedu aad u sarreeyey.
Culimada iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Gaalkacayo ayaa iyaguna lagu casumay munaasabadda qado sharafta ee meherka ah, waxaa halkaasi laga soo jeediyay kalmado kala duwan oo tilmaamayay sida ay diinteena muslimka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliduba ay u amaaneen in la sharfo oo lagu farxo munaasabadahan oo kale, waxaana qoyskan cusub loogu duceeyey in ilaahay kala siiyo ubad khyar qaba.
Guurkiina Guur Khayr , Gurigiina Giri Negi , Guullow Ka Yeel
Gacal iyo Sokeeyaba, Guurkiina Lagu Farax
HAMBALYO HAMBALYO
–DHAMMAAD–
The post “Xaflad MEHER” Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Faaiza Cabdirsaaq Nuur appeared first on Puntland Post.