Yuusuf Garaad Cumar ayaa horay uga mid ahaan jiray raga soomaalida ah oo hab qabiil uga qayb qaatay siyaasada cakiran ee Soomaaliya,iyo ku lug lahaanshaha arrimaha siyaasada, ayaa dacwo lagu soo oogay kaddib uga fariistay Idaacada BBC-da , kaddib markii uu dhumiyey dhex-dhexaadnimadii iyo magacii beri samaadkii lagu yaqiin BBC-da.
Yuusuf Gaarraad ayaa bog lagu magaaco Somalifederal.blog ku qoray maqaal yar uu kula talinayo madaxda DF ee Soomaaliya , isagoo yiri “Inta ay goori goor tahay, Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Saacid Shirdoon waa in ay gartaan in aanay ku sii socon karin sida ay hadda ku socdaan” Waxaana Yuusuf garaad oo oraahdiisa ku soo qaatay Sawir State house-ka Kenya lagu qaabilay Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayey, waxaana dhicyada ka taagnaa Madaxweynaha Kenya iyo Prof. Gaandi , Wasiirka arrimaha Dibada kenya , Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Wasiirka arrimaha Guddaha Puntland, Gen. C/laahi Jaamac Ilkajiir.
Yuusuf Garaad ayaa talada u siiyey Saacid iyo Xasan ay tahay in inta aysan la tegin dabaylaha siyaasadeed ee geeska Afrikada Bari, in ay toobad keenaan oo ay shacabka Soomaaliyeed ugu shaqeeyaan si wanaagsan ayna cadaalada ay dhowrayaan.
Siyaasada madaxweyne Xasan ee qariban ayaa waxay keentay in madaxweynaha Puntland uu geed gaaban iyo mid dheer u fuulo ka hortaga siyaasada qarigan uu Xasan Sheekh uga soo horjeedo Siyaasada federaalka ee dalka Soomaaliya loo dejiyey, wuxuuna Madaxweyne Faroole arrinkaas ku helay taageero buuxda , kaddib markii qoraalo cadayn ah uu u gudbiyey Beesha Caaalamka.
Sikastaba, Yuusuf Garaad ayaa loo maleeyaa inuu ka aragti dheer yahay Xasan Sheekh Maxamuud Culusow , waxaana maqaalka Yuusuf Garaad laga dha-dhansan karaa in Madaxda DF ee Soomaaliya ay soo de dedejiyeen in laga horyimaado , taas oo keentay is xulufaysi siyaasadeed oo adag oo ka yimi Dhinacyadii uu fogeynayey ee Puntland iyo Jubbaland oo uu isku dayey inuu qaribo, isagoo u maraya Baarlamaan aan garan shaqadooda waxa ay tahay iyo kooxo kale oo aragti yar oo aan waxba kala socon Saaxada siyaasada Caalamka iyo Soomaaliya sida ay u wada shaqayn karaan iyo baahida ay shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan dowlad qaran oo soo celisa qaranimnadii laga boordigey QAIILKA.
Maxamed Jaanac
Nairibim Kenya
Aragtida dadweynaha Puntlandppost masuul kama aha