Ciidamada Amaanka Dowlad Goboleedya Puntland ayaa Magaalada Gal-kacyo ku Qabtay Darawalo Dadka ka qixinayay Magaalada Gal-kacyo.
Ciidamada ayaa Qabtay in kabadan 10 Darawalada Gaadiidka Nooca yar yar iyo Gaadiidkoodaba waxaana xiligaasi saarnaa Agabyada Dadka muhiimka ah oo ay qixinayaan.
Saraakiil katirsan Ciidamada Amaanka Puntland ayaa Sheegay in Darawaladaasi Dadka ay u sheegayeen in ay ka qaxaan Magaalada oo Dhibaato iyo dagaalo ay ku soo wajahanyihiin.
Saraakiisha ayaa ku tilmaamay in arintaasi ay tahay mid dadka lagu qal qal galinayo magaaladana ay tahay mid nabad ah oo aanan wax dhibaato ah ka jirin.
Xiliyadaan oo kale markii magaalada Gal-kacyo xiisado laga soo sheego ayaa waxaa jira dad ka barakaca magaalada Gal-kacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
PUNTLAND POST
The post Ciidamada Amaanka Puntland oo Gal-kacyo ku Qabtay Darawalo dadka Qixinayay appeared first on Puntland Post.