Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Somalia oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Japan

$
0
0

Nairobi-Puntland Post Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 6-aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation on Africa Development).

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlaye muhimadda iskaashiga Afrika iyo Japan oo uu sheegay inuu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, gaar ahaan qaaradda Afrika oo si wanaagsan uga manafacaadi karta kheyraadkeeda.

“Qaaradda Afrika waxay cagta saartey waddada horumarka, kheyraadka ku jirana haddii si wanaagsan looga faa’ideysto waxaa hubaal ah in nolosha dadyowgeena ay wax badan ka beddeli karto. Soomaaliya waa dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye oo muddo dheer soo socday, haddana waxay ka mid tahay waddamada sida dhow uga faa’ideysanaya iskaashiga TICAD. Shirkan kii ka horeeyay ee Tokyo lagu qabtey 2013-kii, waxaa barbar socday kulan gaar ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayey, taasina waxay muujineysaa muhimadda ay TICAD inoo leedahay”.

Madaxweynaha waxaa u sheegay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

“Horumarka ay Afrika hiigsaneyso waxaa daba socda caqabado amni, gaar ahaan khatarta argagixisada oo u baahan si caalami ah loo wajaho. Dalkeena Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika khatar ayay ku yihiin argagixisada, balse nasiiba wanaag waddamada deriska nala ah ayaa waxaan qaadaney mowqif mid ah oo lagula dirirarayo argagixisada. Waxaan filayaa iyo gobollada kale ee Afrika ay ku deydaan iskaashiga Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada, loogana sii gudbo heer caalami ah oo khatartaasi lagu hakiyo”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir Madaxeedka TICAD ugu baaqey in la dardar geliyo hirgelinta suuqyada xorta ah iyo ganacsiga furfuran, si wax looga beddelo nolosha malaayiin qof oo Afrika ku nool.

M1 M2 M4 M3 M5 M6 M7 M8 M9 M10

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somalia oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Japan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>