Shir ay maanta isugu yimaadeen gollaha Wasiiradda Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in maamulkoodu dhowrayo islamarkaana uu ku taagan yahay heshiiskii Gaalkacyo lagu kala saxiixdey 2015, Iyadoona taas bedelkeeda ay ku eedeeyeen Puntland inay ka fuli wayday inta ka dhiman heshiiskaas.
Sidoo kale Galmudug ayaa ku eedaysay go’aan Puntand ay dhawaan soo saartey oo ku aadan gawaarida xamuulka ee Koonfurta Somalia ka keena xamuulka inaysan dhaafi Karin Gaalkacyo, waxaana lagu yiri warka kazoo baxay Galmudug.
– Goluha Xukuumadda Galmudug waxa uu u arkaa in isku socodka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha bulshada Sgaar ahaan Galmudug iyo Puntland in ay tahay mid lagama maarmaan u ah nolosha dhaqan dhaqaale, kala qoqobnaan iyo xanibaad kasta oo hadda lagu soo rogana ay saameyn xun ku yeelan karto nolosha bulshada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Galmudug iyo Puntland kunool.

Waxayna sheegtay Galmudug inaysan diyaar u ahayn kala xirnaanta bulshada Soomaaliyeed, Xag Amni ahaan, Siyaasad ahaan iyo Waliba dhaqaale ahaan.
Maamulka Puntland ayaa soo saarey go’aan ka dhan ah gawaarida alaabaha ka keena Koonfurta Soomaaliya inay ku wareejinayaan Gaalkacyo, kadib markii dhawaan Gaalkacyo uu ka dhacay weerar al-Shabaab sheegatay, wuxuuna sheegay Madaxweyne kuxigeenka Puntland in arrintaani tahay mid amniga lagu sugaayo oo aan dad gaar ah loola jeedin.
Puntland ayaa marar badan ku eedeysay Galmudug inay kasoo abaabulaan al-Shabaab duulaankooda dhanka Galmudug , waxaana howl-galo ay ka wada fuliyeen ciidamada PSF iyo Danab dhinaca xaafadda Baraxley oo Galmudug ka taliso lagu soo qabtey sarkaal sare oo u dhashey dalka Suudaan oo al-Shabaab u qaabilsanaa samaynta bomka iyo tababarada.
PUNTLAND POST
The post Galmudug oo eedeyn u jeedisay Dowlada Puntland appeared first on Puntland Post.