Roobab ka da’ay gobolka Shabelada dhexe ayaa sababay inay buux dhaafiyaan wabiga Shabelle Islamarkaana uu wabigu ku dhufto fatahaad uu ku sameeyo nawaaxiga magaalada Jowhar oo xarun u ah Gobolkaas.
Wasiirka kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Maxamed Cumar Caymow oo ku sugan magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa booqday meelaha uu fatahaada ka sameeyay Wabiga Shabeele iyo dhibaatada uu dadka u geystay.
Wasiirka ayaa tilmaamay in khasaaraha wabiga uu aad ugu fiday qaybo kamid ah gobolka ,waxaana uu tilmaamay in dowladda Somalia ay bilaabayso qorshe dadka lagu taageerayo ,isaga oo xusay in dowladda Somalia ay dib u dhigayso gar-gaarka loo fidanayo dadkaas.
DHAGAYSO
PUNTLAND POST
The post Wabiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Jowhar appeared first on Puntland Post.