Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bankiga adduunka oo Buundo saaraya Togga Isbitaalka Garoowe

$
0
0

Duqa Degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir ayaa ka warbixiyey mashaariic horumarineed oo Bankiga aduunku uu ka fulinayo Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland.

Duqa Degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise goodir oo waraysi siiyey Raxanreeb.com ayaa sheegay in Bankiga aduunku uu sanadka 2017-ka fulin doono Magaalada Garoowe mashaariic ay kamid yihiin labo buundo oo mid kamid ah la saarayo wada isbitaalka ee dhex martay toga weyn ee magaalada Garoowe.

Mashaariicda kale ee uu bankiga aduunku ka hirgalinayo garoowe ayaa waxaa kamid ah wadooyin laami ah oo magaalada gudedeheedda laga hirgalinayo iyo wado 29 KM ah oo aadaysa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe sida uu sheegay duqa degmada Garoowe.

Duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise ayaa dhankale sheegay in inta uu dhamaan sanadkaan ay ka fulin doonaan labo wado oo laami ah oo la kala saarayo xaafada fadhisamo ex fadhixun iyo jidka Bulsho waxaana uu ugu baaqay dadka ka agdhow heeraraha wadooyinkaas la bixinayo inay ka guuraan.

Ugu danbayntiina Duqa Degmada Garoowe ugu baaqay bulshada ku dhaqan Magaalada Garoowe inay laamaha amaanka kala shaqeeyaan amaanka waxaana uu ka codsaday inay kusoo wargaliyaan hadii ay arkaan wax amaanka lidi ku ah.

Bankiga aduunka ayaa sanadka 2017-ka waxaa mashaariic horumarineed ka fulinayaa Magaalooyinka Garoowe,Hargaysa iyo muqdisho waxaana mashuuraacaan uu badalaya mashruuca horumarinta degmooyinka ee JPLJ.

Halkan ka dhageyso Waraysiga duqa Garowe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Bankiga adduunka oo Buundo saaraya Togga Isbitaalka Garoowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>