Faah Faahino Dheeraad aha ayaa ka soo baxaya qasaarihii ka dhashay Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada ah oo maanta ka dhacay Meel Aan sidaasi uga fogeeyn madaxtooyada Somalia.
Qaraxa ayaa waxaa la la damacsanaa Hoteelka SYL oo ku dhagan madaxtooyada Somalia oo ay ku shirsanaayeen masuuliyiin katirsan dowlada Somalia.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay Qaraxaasi oo jugtiisa laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye, Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya c/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Howlaha guud iyo guryenta Xukuumadda Soomaliya Eng. Saalax Sh. Cismaan, Ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi.
Wasiir Maareeye ayaa Waxaa Gaaray Dhaawac Fudud oo Ah Dhaawac Firir ah Sidoo kale qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay Xildhibaan Daahir amiin Jeesow oo kamid xildhibaaanada Baarlamanka Soomaliya .
Wariyaal ayaa kamid ah Dadka ku dhaawacmay Qaraxaasi kuwaasi oo ka qeeybgalayay Shirka ka soconayay Hoteelka SYL.
Wariyaasha dhaawacmay Ayaa Waxaa kamid ah Wariye Cabdifitaax Daahir Jayte oo kamid ah Wariyaasha ka shaqeeyay Idaacada Dowlada iyo Wariye Maxamed Xasan National oo isna kamid ah Wariyaasha Idaacada Radio Muqdisho ee afka dowlada ku hadasha iyo 3 Camero man oo kamid ah Camero Manada Tv-ga dowlada Ee SNTV.
Waxaa sidoo kale ku Dhaawacmay Cabdifitaax Maxamuud Siyaad Arizona oo ah Agaasimaha idaacada Gobolka Banaadir.
PUNTLAND POST OFFICE MUQDISHO
The post Wasiiro Xildhibaano iyo Masuuliyiin katirsan dowlada oo ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.