Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Afhayeenkii Ururka Daacish oo lagu Dilay Siiriya

$
0
0

Abu Maxamed al-Cadnani, oo ahaa afhayeenka Ururka Daacish ee dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayaa lagu dilay iska hor imaad ka dhacay gobolka Xaleb ee dalka Siiriya, sida lagu sheegay barta internet-ka ee Amaq, ee xiriirka la leh Ururka Daacish.

Al-cadnani ayaa ka mid ahaa xubnaha mudada dheer ka midka ahaa Ururka Daacish oo xiligan awood badan ku leh qeybo ka mid ah woqooyiga dalka Ciraaq iyo bariga iyo woqooyiga dalka ay deriska yihiin ee Siiriya.

Mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka, ayaa warbaahinta u sheegay in ay qiimeynayaan duqeyn cirka ah oo Talaadadii loo geystay deegaanka al-Bab ee waqooyi bari Xaleb.

Waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa al-Cadnani ku tilmaamtay in uu yahay argagixis caalami ah, waxaana madaxiisa dulyaalay 5 milyan oo dollar.

PUNTLAND POST

The post Afhayeenkii Ururka Daacish oo lagu Dilay Siiriya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>