Dhahar (Puntlandpost):- Deegaan magaciisa la yiraahdo ARI CADKA oo ka tirsan Gobolka Haylaan ee Puntland ayaa wararka ka imaanaya sheegayaan in lagu arkay arrin argagax ah ka dib markii ay lasoo daristay nin xoolo dhaqato ah dhacdo aysan horey u arkin dadka deegaankaas, Taas oo ay sheegeen in tahay mid lagu dhagxinayo gurigiisa ninkaas xoolo dhaqatadaa.
Xuseen Aadan Xasan oo ka mid ah dadka soo arkay arrintan la yaabka leh ayaa uga waramay Puntlandpost wuxuu indhihiisa kusoo arkay , wuxuuna sheegey inuu soo arkey nin musiibo alle u keenay oo habeen iyo maalin dhagax lala dhacayo, Islamarkaana aan la garanayn waxa la dhacaya.
Waxa uu sheegay Xuseen inuu dhaawacyo soo gaarsiiyay dhagaxu wadaado quraan ku akhrinayay guriga ninka la dhagxinayo, Caruurtii guriga joogtay iyo Dad waayeel ah, Islamarkaana la arkayo dhagaxa balse aan la arki karin cidda soo tuuraysa.
Xuseen Aadan Xasan Wuxuu ugu baaqay Puntland,Somaliland iyo Qof kasta oo muslim ah inay usoo gurmadaan arrinta soo wajahday ninkan maskiinka ah oo ka mid ah xoolo dhaqatada ku nool Baadiyaha Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan.
Dhagayso Xuseen oo u waramaya PuntlandPost
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Dhacdo Rabaaniya oo lagu arkay Baadiyaha Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan appeared first on Puntland Post.