Garowe (Puntlandpost):- Waxaa saaka ka furmay xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland kulan dib loogu eegayo waxqabadka iyo mashaariicda Hay,adda Care International ka fuliso deegaanada Puntland, Waxaana kazoo qayb galay shirkan masuuliyiin ka socda Wasaaradda Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Deegaanka iyo Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland.
Wasiiru dowladaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland Axmed Ibraahim Cawaale ayaa ka warbixiyey ujeedada shirkan , wuxuuna sheegey inay qeyb ka tahay qorshe Wasaaradiisu dib ugu eegayso waxbaqadka hay,addaha iyo mashaariicda ay fuliyaan.
“ Lama oran karo qorshahani waa maxkamad, balse waa muhiim in la isweydiiyo Maxay Hay,adduhu u qabteen Puntland ? Balan-qaadkii Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa inay dowladu ka degto wadada laamiga, “ Ayuu yiri Wasiir Axmed Ibraahim Cawaale.
Wuxuuna intaas ku daray Wasiirku“ Waxaan rabnaa inaan idinla xisaabtano oo hay,addii shaqo fiican qabatay-na aanu u hambalyeyno , Waxaana rajaynayaa in hay,adduhu shaqo wacan qabteen oo ay guteen waajibaadkoodii “.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Maxamed Cabdulqaadir oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay shirkan ayaa ku amaanay hay,adda Care International mashaariicda ay ka fuliso deegaanada Puntland, Wuxuuna sheegay inay kala shaqeeyaan wasaaradiisa saddexda mashruuc ee ugu waaweyn waxbarashada.
Isku soo wada duuboo kulankan ayaa daba-socday shirar maalmihii lasoo dhaafey Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland la qaadatay Hay,addaha xafiisyada ku leh deegaanada Puntland, Kuwaas oo ay wasaaraddu dib u eegis ku samaynayso wax-qabadkooda iyo mashaariicda ay ka fuliyaan deegaanada Puntland
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Puntland oo dib u eegis ku samaysay mashaariicda Care International appeared first on Puntland Post.