Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta soo bandhigtay deeqihii waxbarasho ee ay ardayda Puntland ka heleen 6-dii sano ee u danbaysay dalalka dariska ah iyo kuwa caalamka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka Axmed Saahid oo shir jaraa,iid maanta ku qabtay xarunta wasaaraddu ku leedahay magaalada Garowe ayaa uga warbixiyay sida soo socota deeqdii Waxbarasho ee ay heshay Puntland .
Hoos ka akhriso.
DW ee la helay laga bilaabo 2010 ilaa 2016
Sannad Wiilal Gabdho Gobollada Haybsooc wadar 2010 128 64 0 0 192 2011 65 33 0 0 98 2012 74 36 0 0 110 2013 148 63 0 0 211 2014 123 52 0 0 175 2015 203 61 29 15 308 2016 270 Wadar 1,364
Dalalka DW laga helo
- Dalka Ethiopia laga soo bilaabo 2010
- Dalka Suudaan laga soo bilaabo 2010
- Jaamacadaha gudaha laga soo bilaab 2010
- China marmar
Siyaasadda qaybint DW
Deeqaha waxbarasho ee la helo waxay leeyhiin siyaasad cad oo lagu qaybiyo taas oo horseeday kalsooni buuxda oo bulshadu ku qaybto. Waxaana loo qaybiyaa sidan:
- 85% waxaa lagu saleeyaa mudnaanta ardayda
- 10% waxaa loo qoondeeyaa gobollada
- 5% waxaa loo qoondeeyaa dadka laga badanyahay
Caqabadaha DW haysta
Dalalka DW laga helo oo aad u yar marka loo eego sannadihii hore(Ethiopia & Sudan) kaliya
- Safarrada wasaaradda ee DW lagu raadinayo oo yaraaday dhaqaale la’aan awgeed
Guulaha laga gaaray qaybinta DW
Asaaska guddi joogta ah wasaaraddu u xilsaartay qaybinta DW.
- Bulshada oo kalsooni buuxda ku qabta qaabka DW loo qaybiyo
- Nidaamka mudnaanta ee DW lagu qaybiyo oo keenay tartan caafimaad qaba oo ka dhexeeya dugsiyada iyo ardayda
Talooyin
- In la xoojiyo qaabka qaybinta DW ee ku salaysan Mudnaanta iyo kala sarraynta ardayda
- In dawlad iyo shacabba xil la iska saaro sidii loo heli ilo/dalal cusub oo bixyo DW
- In wixii DW ah oo ku aadan tacliin sare lagala xisaabtamo WW Lana adkeeyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka.
Ayuub Xudeyfi
PUNTLAND POST
The post Puntland oo ka hadashay deeqdii waxbarashada la helay 6dii sano ee lasoo dhaafay appeared first on Puntland Post.