Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

HAY,ADDA BIYAHA PUNTLAND OO MAANTA LA WAREEGTAY QALAB

$
0
0

Garowe (Puntlandpost):- Hay,adda Terre Solidali ayaa maanta ku wareejisay hay,adda biyaha u qaabilsan Puntland ee PSAWEYN qalab biyood laga soo iibiyay qaarada Yurub, Waxaana ka gudoomay qalabkan Hay,adda TS Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda hay,adda PSAWEYN Xirsi Xasan Nadiif.

Wakiilka Hay,adda Terre Solidali Faarax Maxamuud Xaaji ayaa sheegay in qalabkan laga soo iibiyay Yurub , Islamarkaana uu qayb ka yahay mashruuc balaaran oo muddo saddex sano ah hay,adda TS ay ka wado Puntland.

Faarax ayaa sharaxay noocyada qalabka, wuxuuna sheegay inay ka mid yihiin bamamka la galiyo ceelasha, control panels iyo alaabta isbeer baartigiisa, Fiilooyinka loo isticmaalo bamamka, iyo qalab kale.

Xirsi Xasan Nadiif oo ah Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Hay,adda PSAWEYN ayaa sheegay inay uga faa,iideysan doonaan qalabkan sidii loogu horumarin lahaa  magaalooyinka waaweyn ee Puntland si ay biyo nafiid ah ummada u siiyaan shirkadaha ka shaqeeya biyaha.

Xirsi ayaa intaas ku daray in PSAWEYN ku wareejin doonto qalabkan shirkadaha biyaha , wuxuuna tilmaamay inuu yahay mid la jaanqaadi kara biyo galinta caalamka qalabka maanta lagu wareejiyay Wakaalada biyaha Puntland

DSCN3624 DSCN3605 DSCN3601 DSCN3618 DSCN3596 DSCN3594 DSCN3612 DSCN3607Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post HAY,ADDA BIYAHA PUNTLAND OO MAANTA LA WAREEGTAY QALAB appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>