Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland oo dib u eegtay Mashaariicda Hay,adda Relief International .

$
0
0

Waxaa maanta ka furmay xarunta wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee Puntland shir dib loogu eegayo mashaariicda Hay,adda Relief International ka fuliso deegaanada Puntland, Waxaana kazoo qayb galay shirkan masuuliyiin ka socota Relief , Wasaaradda Qorsheynta, Waxbarashada iyo Marti sharaf kale.

Axmed Maxamed Cali oo ku magac dheer Geel-madhalin ayaa ka warbixiyay ujeedada kulankan , wuxuuna sheegay Iyadoo ka duulaysa Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga waajibaadkeeda dastuuuriga ah inay sanadkiiba mar qabato dib u eegis lagu samaynayo wax-qabadka Hay,adda fadhiyada ku leh deegaanada Puntland.

Waxa uu sheegey Geel-madhalin inay waajib tahay inay hubiyaan in Hay,adduhu gudbiyeen mashaariicdii ay usoo dhiibeen deeq bixiyaasha caalamiga , Islamarkaana ay gaarsiiyeen amaanada loo soo dhiibay dadkii loogu tala-galay.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Axmed Maxamed Cali in sanadkan ay uga duwan tahay sanadihii horre , Iyadoo ay isku xiran tahay dib u qiimaynta iyo kormeer wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ku samayn doonto meelaha hay,adduhu ka fuliyeen mashaariicda.

DSCN3777 DSCN3778 DSCN3781 DSCN3783 DSCN3785 DSCN3770 DSCN3771 DSCN3767 DSCN3766 DSCN3774 DSCN3765 DSCN3796 DSCN3792 DSCN3784 DSCN3775 DSCN3776Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dib u eegtay Mashaariicda Hay,adda Relief International . appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>