Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland oo xirtay xadka bartamaha iyo Koonfurta Somalia

$
0
0

Dowladda Puntland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay gebi ahaanba xirtay xuduudaha ay la wadaagto gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya..

Afhayeenka Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac(Quraanjecel) oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Puntland xirtay xuduudaheeda ay la wadaagto koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac(Quraanjecel) ayaa sheegay in aysan aqbali doonin gaadiid kasoo gudba dhanka koonfurta kuwaasoo soo gaaraya deegaanada Puntland.

Afhayeenka Puntland ayaa xusay in la xiray xuduudaha iyadoona la fulinayo go’aanadii lagu mamnuucayey gaadiidka ka yimaada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

121Dhinaca kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay ka danbeysay talaabadan Ka dib markii ay si bareero ah u difaaceen Odoyaal iyo Waxgarad kazoo jeeda Xaafada Baraxley ee Koonfurta Gaalkacyo nin lagu magacaabo Nuur Maxamed Cabdullaahi(Nuur Deeq) oo sida ay horey Puntland u sheegtay ka mid ahaa liiskii kooxdii Al-shabaab ee ka dambeeyay xasuuqii Gaalkacyo ka dhacay .

Waxaana wararku sheegayaan Nuur Deeq oo heyb ahaan kazoo jeeda Xaafadda Baraxlay inuu hadda u baxsaday  Tuulo la yiraahdo Wisil oo ku taala Koonfurta Gobolka Mudug.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa horey usoo saaray wareegto lagu mamnuucayo gawaarida ka timaada koonfurta Soomaaliya islamarkaana imaanaya deegaanada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo xirtay xadka bartamaha iyo Koonfurta Somalia appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>