Inta ugu badan shacabka Soomaaliyeed waxay u heystaan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka ArrimahaGudaha & Amniga Qaranka Mudane C/kariim Xuseen Guuleed & Wasiirka ugu awooda badan Dalka islamarkaana ah Hogaamiyaha Ruuxiga ee Xarakada Damul-Jadiid waa Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Mudane Faarax C/qaadir, in ay u diidayaan maamulka looga dhawaaqey Kismaayo iyagoo iska dhigaya in ay ilaalinayaan Dastuurka & Qaran-nimada Soomaaliyeed, laakiin Xaalku sidaas maahee , waxaa la diidayaa in deegaanada Sh/hoose ee la doonayo in la dhaxlo in lagu qariyo, sababtoo ah haddii ay dowladu aqbasho maamul goboleedka Jubbaland, waxaa bilaabmaya isla markiiba in shacabka Sh/hoose ay dhistaan iyagana maamul ay u madax banaan yihiin sida Jubbaland, marka si taas looga hortago , una sii jiitamo dhul balaarsiga Sh/hoose waa in la furin jidka maamul goboleedka Jubbaland lagu aqoonsanayo.
Sirta dhabta ah ee ka dambeysa in la diido Jubbaland ayaa ah inaan shabeelada hoose aysan daba-gelin Jubbaland, hadaba maxaa kala socotaa in Salaadiinta, waxgaradka, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Culumaa’udiinka & Haweenka Sh/hoose ay soo dhisteen Maamul ka tarjumaya Dadka Deegaanka islamarkaana u geeyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha & Kusimaha Madaxweynaha Gudoomiye Jawaari, waxaana jirta oo shaacbaxaysa in guddoomiye jawaari loogu baaqay inuu arrimahan faraha kala baxo , loona caga-jugleeyey, isaga iyo C/xakiin Fiqi laguna wargeliyey inay faraha kala baxaan arrinta Sh/hoose , arrimahan waxay uur ku taalo ku noqotey Bulshoweynta ku dhaqan Shabeelada hoose oo ogaadey in la rabo inaan wax maamul oo xor ah aan laga dhisin Deegaankooda ayaan waxaa jecelnahay inaan dadka usoo gudbino inta Degmo oo iyo dad matala toona uu Gobalku ka ko, inta Dowlada ka joogto, inta Al-shabaab joogto, Gobalka Sh/hoose wuxuu ka koobanyahay 8 Degmo oo kala ah
- Afgooy
- Wanleweyn
- Marko
- Awdheegle
- Qoryooley
- Baraawe
- Kurtunwaarey
- Sablaale
Afarta Degmo ee kore waxaa heysta Dowlada, Afarta Dambe-na waxaa jooga Al-Shabaab, hadaba Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaa looga dhisi waayey maamul ku meel-gaar ah , sida kan Bay, iyo kan Hiiraan oo kale? waxaa kaloo la isweydiinayaa maxaa loo tixgelin la’yahay rabitaanka Salaadiinta, Waxgaradka, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Culumaa’udiinka & Haweenka Sh/hoose ay soo dhisteen Maamul ka tarjumaya Dadka Deegaanka? Hadaba hoos ka akhriso xubnaha Maamulka oo sida ugu Cadaalada xun Aduunka loo dhisey Casrigaan waa dhanka Sadbursiga’e, uuna difaacayo C/kariim Xuseen Guuleed oo Shabeelaha Hoose looga yaqaan labo naaneys oo cajiib ah “New Jeneraal Ceydiid” ama “Kadare”!
F.g: inkastoo ay ku jiraan kuwo waxbartey oo u qalma jagooyin ka sareeya kuwa ay hayaan, laakiin kuwaas waa fara kutiris, waana kuwa culeyska & Mooryaan-nimada lagu hayo.
“Hadal kaan daliil loo helayn waa dufiyo beene”
Magaca Qabiilka Degmada
-
C/qaadir Sh. Max’dNuur (Garre/ Digil&Mirifle) Qoryooley Guddoomiyaha Gobalka
-
C/laahi Muuse Abuukar (Biimaal/Dir Marka Guddoomiye kuxigeenka Siyaasadda
-
Axmad CumarMax’d (Ceyr, H/gidir, Hawie) Guriceel Guddoomiye kuxigeenka Nabadgelyada
-
C/fataax C/lahi Yuusuf (5-ta Calemood/Digil&Mirifle) Wanleweyn Guddoomiye kuxigeenka Dhaqaalaha
-
Cumar Max’ud Cilmi (Murusade/ Hawie) Ceelbuur Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada
-
Yuusuf Max’d Cabdi (Ceyr,H/gidir/ Hawie) Dhuusamareeb Guddoomiyaha Samafalka Gobalka
-
Cusmaan Maxamuud (Abgaal/Hawie) Biyo cade Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Samafalka Gobalka
-
C/laahi Daahir (Murusade/Hawie) Wabxo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Samafalka Gobalka
-
C/laahi Cabdi Cumar (Wacdaan/ Hawie) Lafoole Xoghayaha Gobalka
-
C/laahi Cabdi Faarax (Ceyr, H/gidir, Hawie) Dhuusamareeb Agaasimaha Dhulbixinta Gobalka
-
Ikraam Axmad Gacal (Murusade/Hawie) Galhareeri Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka
-
C/naasir Diini Raage (Ceyr, H/gidir, Hawie) Guriceel isuduwaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobalka Sh/hoose,
F.G: ninkaan hadda waxaa lagu badaley xaaska nin Majeerteeen, maadaama wasiirka cusub ee maaliyadda ay yihiin qaraabo sokeeye, Magaceeda waa Salaado Max’ed Cusmaan, waana Murusade/Hawiye.
-
Max’d Cali Muumin (Salemaan, H/gidir, Hawie) Cadaado Xisaabiyaha guud eeGobalka
-
C/qaadir Faarax (Ceyr, H/gidir, Hawie) Guriceel isuduwaha wasaaradda Beeraha
-
Cabdi Yare (Ceyr, H/gidir, Hawie) Guriceel Maareeyaha Dhulbixinta Gobalka.
Title-da badan kood waa kuwo aan sax aheyn balse lagu doonayo in lagu dhaco hantida Dadka Masaakiinta ah, badankood waxay wataan Maleeshiyo Beeshooda waxaana jidadka ay dhigtaan isbaarooyin, Dumarkana waa Kufsadaan marka ay rabaan , arrinkaas oo ka soo horjeeda Shareecada Islaamka , kuwaasna ay yihiin (Qaadicil-dariiq).
Isweydii imisa qof ayaa mataleysa Degmooyinkii aan kor kusoo sheegey? Kuwa kalena xagee matalaan?? waxaa la yaab leh in dowlada Madaxweynaha aysan ka hadlin dhibaatooyinka rasmiga ah iyo sida dadka dhulkoodii loo boobay, waxayna ku qarinayaan arrinta jubbooyinka, saan looga hadlin deegaanada boobka lagu haysto.
Waxaana maqaalkan kusoo xiraynaa xattaa haday doonayaan inay maamulo iyaga tageersan ay soo dhisaan , ma dhisi karaa , oo goobaha qaarkood iyo degmooyinka qaarkood waa sidii loo qabsaday 1991-dii, waxaana u taliya maleeshiyooyinkii Caydiid iyo wixii ka danbeeyey.
Filo, maqaalo kale oo ka hadlaaya dhacdooyinka foosha xun ee ka jira Sh/hoose.
Puntlandpost waa u xor dadka soomaaliyeed ee tirsanaya dhibaatada iyo cadaalad darada, in ay kusoo gudbiyaan ra’yigooda iyo dhibaatooyinka ka jira deegaanadooda.
Puntlandpost.com