Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xildhibaan Puntland oo si kulul ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya

$
0
0

Gudoomiye kuxigeenka guddiga arrimaha gudaha baarlamanka Puntland Maxamed Axmed Jaceel ayaa jawaab kulul uga bixiyay shir jaraa,ii d oo uu maanta ku qabtay magaalada Garowe hadal uu sheegay inuu xalay kazoo yeeray Madaxweynaha Dowlada Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Axmed Ibraahim Jaceel oo ka mid ah baarlamanka Puntland ayaa ku eedeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu si cad ugu gafay Puntland ka dib markii uu sheegay  inay ka kooban tahay tirada labo gobol iyo bar oo kaliya,Iyadoona uu tilmaamay Xildhibaanku marka la eego baaxada dhulka Puntland in Gobolka Bari oo kaliya uu ka wayn yahay dhamaan gobolada Koonfurta Somalia oo la isku daray

Xildhibaan Maxamed Axmed ayaa ku  eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku fashilmay hogaaminta dalka intii uu xukunka hayay, wuxuuna sheegay in Aas aaskii Puntland lagu bilaabay tirada shan gobol iyo bar  marka loo eego 18-kii gobol horre ee  Soomaaliya islamarkaana maanta ay ka kooban tahay sagaal gobol.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed wuxuu ka dhigay inaan la caburin shacabka gobolka Hiiraan oo uu sheegey in la dhinac maray rabitaankooda nidaamka maamul u samaynta.

Jawaabta mudane ka tirsan baarlamanka Puntland ayaa imaanaysa ka dib markii uu xalay ka qayb galay Madaxweynaha Dowlada Federalka Somalia barnaamij dood wadaag ah oo laga baahiyay telefishinka Universal , Islamarkaana uu kasoo yeeray hadal uu ku yiri Madaxweynuhu in lagu bilaabay aas aaskii Puntland tirada labo gobol iyo bar.

Daawo Xildhibaan Maxamed Axmed

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan Puntland oo si kulul ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>