Wararka Naga Soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Magaaladaasi Baydhabo Manata lagu soo bandhigay Sarkaalkii Kooxda Daacish u Qaabilsanaa Gobolada Baay iyo Bakool iyo ilaaladiisii.
Taliska Nabadsugida Gobolada Baay iyo Bakool Ayaa Ragaan ku Soo Bandhigay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ee Koonfurta Wadanka Somalia.
Cali Maxamed Gaaboow Wakiilka Daacish ee Gobalka Baay, Mahad Nuux Siidoow, Sameyta iyo diyaarinta Qaraxyada Macmalka, C.casiis Xasan Mursal Jabhadaha, iyo Maxamed Sh Isaaq oo Bambo tuurka qarxinta miinooyinka qaabilsan.
Ugu horeyntii Cali Maxamed Gaaboow ayaaWarbaahinta u sheegtay in uu wakiil u ahaa Daacish iyo in uu Afar Sano uu al-shabaab ka tirsanaa una qaabilsanaa dhinaca dagaal galinta kana Shaqeynjiray Ceelasha illaa iyo Marko, Balse mar dambe uu is fahmi waa soo kala dhexgalay kadibna uu ku biiray Daacish-ta soomaliya.
PUNTLAND POST
The post Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Daacishta Somalia oo lagu soo bandhigay Baydhabo appeared first on Puntland Post.